XOG: Taariikhda Tababaraha Cusub Ee Real Madrid Ee , Xilliyadii Uu Los Blancos U Ciyaari Jiray Iyo Shaqooyinkii Kale Uu u Soo Qabtay.

Kooxda kubadda cagta Real Madrid ayaa shaacisay tababaraheeda cusub ee la wareegaya shaqadii uu ka tegay Zinedine Zidane laba toddobaad ka hor, kaas oo si toos ah uga degi doona Madrid marka uu dhamaado Koobka Adduunka 2018 ee Khamiista ka furmaya waddanka Ruushka.

Tababaraha xulka qaranka Spain u hoggaaminaya Koobka Adduunka ee ka furmaya waddanka Ruushka Julen Lopetigui ayaa ay Real Madrid u magacowday macallinkeeda cusub.

Lopetigui waxa uu qalinka ku duugay heshiis saddex sannadood ah oo uu Los Blancos kula wareegi doono marka uu Koobka Adduunku dhamaado, markaas oo uu garoonka Santiago Bernabeu madax ka noqon doono.

Julen Lopetigui waa 51 jir hadda ah tababaraha xulka qaranka Spain oo markii la magacaabay ay dad badan u qaadan waayeen, hase yeeshee nasiibkaas oo kale ayuu mar kale ka helay Real Madrid.

Wakhtigii uu ahaan jiray goolhaye, saddex sannadood ayaanu kooxda kubadda cagta Real Madrid goolka u hayey, isagoo kayd u ahaa Francisco Buyo sannadihii u dhexeeyey 1988 ukkaa 1991.

Xilli ciyaareedkii 2008-09 waxa uu noqday tababaraha kooxda heerka labaad ee Real Madrid ee loo yaqaano Castilla, hase yeeshee waxa uu uga wareegay xulka qaranka Spain ee ay da’doodu ka hoosayso 19-jirka, halkaas oo uu kasoo galay shaqada heerarka kala duwan ee qaranka Spain.

Kaddib waxa uu usoo dallacay xulka qaranka ay da’doodu ka hoosayso 21 jirrada, hase yeeshee sannadkii 2014 ayuu ka tegay, waxaanu noqday macallinka kooxda kubadda cagta FC Porto oo uu la joogay laba sannadood.

Sannadkii 2016 ayuu xagaagiisii ka tegay Porto waxaana uu muddo kooban kaddib nasiib u helay inuu noqday tababaraha xulka qaranka Spain oo uu u hoggaaminayo Koobka Adduunka, kaas oo marka uu dhamaado uu Real Madrid uga sii guuri doono.