XOG: Shan Waxyaabood Oo Laga Fahmay War Saxaafadeedkii Dheeraa Ee Uu Qareenka Cristiano Ronaldo Ka Soo Saaray Kiiskii Kufsiga Ahaa-Akhriso Qodobadan Iyo Faah Faahintooda.

5- In Heshiiskii 2010kii Uu Ronaldo La Galay Katheryn Mayorga  Aanu Cadayn U Ahayn In Uu Kufsi U Gaystay.

Ugu danbayn qodobka shanaad ee sida buuxda looga fahmay war saxaafadeedkii qareenka Ronaldo ee Peter Christiansen ayaa sheegaya in heshiiska sanadkii 2010 kii dhex maray Ronaldo iyo gabadha hadda soo eedaysay ee Katheryn Mayorga in aanu micnihiisu ahayn in uu qirtay kiiska kusi ee loo haysto.

Qareenka Ronaldo oo soo sheegay in wax walba u dhaceen si lays ogol yahay ayaa qirtay in heshiiska dhex maray la talayaashii Ronaldo iyo dadkii matalayay Katheryn Mayorga in aanu qirayn in Ronaldo uu kufsi gaystay balse uu ahaa heshiis la doonayay in murankii markaas jiray meesha looga saaro.

Cristiano Ronaldo ayaa taageero buuxda ka helayay xubnaha qoyskiisa iyo la talyaashiisa laakiin waxa uu culays badan ka dareemayaa kiiska kufsiga ah ee sida wayn aduunka ugu baahay wuxuuna hadda ku jiraa xaalad aan fiicnayn.

Arintan ayaa xataa keentay in Ronaldo aanu u ciyaarin xulka qarankiisa Portugal wuxuuna doonayaa inta kiiskiisa la xalinayo in aanu matalin midabka xulkiisa Portugal.

Si kastaba ha ahaatee, waxa uu aduunka kubbada cagtu sugayaa waxaa ka soo bixi doona baadhitaanka booliiska Las Vegas iyo waqtiga ay Ronaldo su’aalaha ugu horeeya waydiin doonaan.