XOG: Shan Waxyaabood Oo Laga Fahmay War Saxaafadeedkii Dheeraa Ee Uu Qareenka Cristiano Ronaldo Ka Soo Saaray Kiiskii Kufsiga Ahaa-Akhriso Qodobadan Iyo Faah Faahintooda.

4- In Uu Jiray Heshiis Dhex Maray Ronaldo, La Taliyaashiisa Iyo Dhinaca Gabadha Hadda Kufsiga Ku Soo Eedaysay Ee Katheryn Mayorga Oo Ah Lacagtii Lagu Aamusiiyay 2010 kii.

Qodoba afraad ee aadka xaasaasiga u ah ee uu si cad u sheegay qareenka Ronaldo ee Peter Christiansen ayaa ah in uu jiray heshiis qoraal ah oo dhex maray Cristaino Ronaldo iyo Katheryn Mayorga waana heshiiska la sheegay in uu sanadkii 2010 kii dhacay si gabadhan loo siiyo lacag dhan 325 kun oo euros.

Wuxuuna qareenka Ronaldo qiray in dhinaca gabadha Katheryn Mayorga ay jabiyeen heshiiskan taas oo sii xaqiijisay jiritaankiisa waana qodob wayn oo uu qareenka Ronaldo cadeeyay in hal sano kadib markii uu xidhiidhka jinsi dhex maray Ronaldo iyo Katheryn Mayorga in heshiis buuxa la gaadhay kaas oo gabadhan kiiskeeda maxkamada looga badbaadiyay.

Laakiin waqti dheer kadib waxay Katheryn Mayorga go’aan ku gaadhay in ay Ronaldo maxkamad soo taagto iyada oo waliba ku eedaysay in uu jidh dil iyo kufsi iskugu daray waxaana xaalada hadda baadhaya booliiska Las Vegas ee dalka Maraykanka iyada oo ka baxday heshiiskii ay Ronaldo galeen 2010kii.

Hadda waxaa qof kasta u cadaatay, in uu jiray xidhiidh galmo oo dhex maray Ronaldo iyo Katheryn Mayorga, waxa kale oo cadaatay in uu jiray heshiis qarsoodi ahaa oo la doonayay in ayna arintu dibada u soo bixin.