XOG: Shan Waxyaabood Oo Laga Fahmay War Saxaafadeedkii Dheeraa Ee Uu Qareenka Cristiano Ronaldo Ka Soo Saaray Kiiskii Kufsiga Ahaa-Akhriso Qodobadan Iyo Faah Faahintooda.

2- Waxa Uu Qareenka Ronaldo Ku Dooday In Arintu Ayna Kufsi ahayn Balse Ay Ahayd Xaalad Ay Ronaldo iyo Katheryn Mayorga  si ogaansho Ah Iskugu Tageen.

Qodobka labaad ee uu cadeeyay qareenka Cristiano Ronaldo ee Peter Christiansen ayaa ah in uu cadeeyay in arinta kiiska Ronaldo aanu ahayn qaabka loo soo dhigay wuxuuna ku dooday in aanu jirin wax kufsi ahi balse ay xaaladu ahayd mid Ronaldo iyo Katheryn Mayorga  ay wax walba raali iskaga noqdeen.

Waxaa la helay muuqaalo muujinaya Cristiano Ronaldo iyo Katheryn Mayorga  oo meel baar ah qoob ka ciyaaar jaanta iyo jiibta isla helay, wuxuuna qareenku cadeeyay in aanu jirin wax kufsi ahi balse waxa dhacay uu ahaa galmo ay isla ogolaadeen Katheryn Mayorga  balse markii danbe been abuur laga sameeyay oo kufsi loo badalay.

3- Waxa Uu Qareenka Ronaldo Xaqiijiyay In Xogta Warkan Shaacisay Ahayd Ay Ahayd Mid Xatooyo Ah Oo Kadib La Been Abuuray.

Qododobka saddexaad ee laga fahmay war saxaafadeedkii uu soo saaray qareenka Ronaldo ee Peter Christiansen ayaa ah in warka fadeexada Ronaldo uu ahaa kii uu baahiyay Football Leaks ee lagu daabacay wargayska Germany ka soo baxa ee Der Spiegel.

Waxa uu qareenka Ronaldo ku dooday in warbaahintu ay muujiyeen masuuliyad daro inkasta oo aanu si toos ah magaca wargayska Der Spiegel iyo Football Leaks aanu soo qaadin, wuxuuna si guud u sheegay in war la soo xaday kadib la badalay xogtii ku jirtay isla markaana laga been abuurtay.

Waxayna arintu muujisay in Football Leaks uu wax walba oo dhibaato haysata Ronaldo uu sabab u ahaa isla markanaa uu wargayska Der Spiegel ahaa kii aduunka ku shaaciyay taas oo hadda meel xun maraysa.