XOG: Sergio Ramos Oo Kulankii 600aad U Safanaya Real Madrid Iyo Xogta Ciyaarihii Tirada Badnaa Ee Los Blancos Uu Usoo Dheelay

Kabtanka Real Madrid, Sergio Ramos ayaa habeenka Arbacada ay u noqon doontaa mid xasuus badan marka uu garoonka Johan Cruyff Arena ugu safto kooxdiisa Real Madrid oo marti u noqon doonta Ajax Amsterdam.

Sergio Ramos ayaa ciyaartii 600aad ee uu xidhan yahay funaanadda Real Madrid waxa uu u safan doonaa Los Blancos, kuwaas oo iskugu jira dhamaan tartamada kala duwan iyo kulamada saaxiibtinimo.

May 20, 1998 markii ay Real Madrid ku guuleysatay koobkeedii 7aad ee Champions League, waxa uu Serio Ramos jiray 12 sannadood oo kaliya, waxaanu ku riyoon jiray inuu ka mid noqdo kooxda koowaad ee Sevilla, hase yeeshee markii ay taariikhdu ahayd September 10, 2005 ayaa uu shandaddiisa kasoo qaatay kooxdaas uu kasoo bilaabay ciyaarihiisa, waxaanu ka mid noqday Real Madrid oo ciyaartiisii koowaad ay ugu bilaabantay guul-darro, kaddib markii Celta Vigo ay ka adkaatay.

SIDOO KALE AKHRISO:  Christian Pulisic vs Aaron Wan-Bissaka Iyo Seddexda Meelood Ee Ay Man United Iyo Chelsea Ku Kala Guulaysan Karaan Kulanka Old Trafford.

Laga soo bilaabo waqtigaas, Sergio Ramos waxa uu kula guuleystay Real Madrid afarChampions League oo saddex ka mid ah ay isku xigeen.

Marka uu Ajax ka hor tago, waxa  uu noqon doonaa ciyaartoygii 13aad ee taariikhda Real Madrid ugu safashada badan tartamada Yurub, iyadoo uu u ciyaari doono kulankii 118aad.

73 ka mid ah ciyaarihii Champions League ee  uu saftay, waxa uu Sergio Ramos gaadhay guul, waxaana kaliya ka guulo badan Sergio Ramos ciyaaryahannadii usoo saftay Los Blancos.

32 jirkan ayaa waxa uu si degdeg ah uga dul-tallaabsan doonaa rikoodhkii safashada ee halyeeyadii Real Madrid ee Paco Gento iyo Fernando Hierro oo min 601 u dheelay Los Blancos, sidoo kalena waxa uu hiigsanayaa rikoodhkii guulaha ama koobabka ee Gento oo kula guuleystay 23 koob, halka uu Ramos 20 koob la qaaday.

SIDOO KALE AKHRISO:  Wararkii Ugu Danbeeyay Suuqa Kala Iibsiga Ee Ay Maanta Oo Axad Ah Qoreen Wargeysyada Yurub

Sawirkan kaga bogo kulamada uu Sergio Ramos u ciyaaray Real Madrid iyo tartamada ay kala yihiin: