XOG: Sadio Mané v Kieran Trippier, Heung-Min Son v Arnold, Van Dijk v Harry Kane Iyo Lixda Meelood Ee Ay Liverpool & Tottenham Ku Kala Guulaysan Karaan Finalka UCL.

Finalka Champions League ee Liverpool Vs Tottenham

Kooxaha Liverpool iyo Tottenham ayaa ugu danbayn soo gaadhay waqtigii inta ugu badan la sugayay ee finalka UEFA Champions League ee Estadio Wanda Metropolitano halkaas oo ay ugu dagaalami doonaan koobka heerka kooxaha ugu muhiimsan.

Tottenham ayaa markii taariikhda kooxdeeda ugu horaysay waxay ka soo muuqan doontaa finalka Champions League ee Estadio Wanda Metropolitano iyada oo aan abid hore u soo gaadhin heerkan oo kale laakiin Liverpool waxay u dagaalamaysaa in ay markii lixaad koobkan ku guulaysato.

Liverpool ayaa kadib markii ay muddo dheer ka maqnayd Champions League waxa uu Jurgen Klopp awooday in uu xili ciyaareedkii la soo dhaafay markii ugu horaysay soo gaadhsiiyay finalka Champions league tan iyo 2007 kii laakiin waxa uu Klopp awooday in uu xili ciyaareedkii labaad oo xidhiidh ah uu Reds soo gaadhsiiyay finalka Champions League.

Liverpool waxay finalka Champions league u soo martay dariiq ka dhibaato badan halka ay Tottenham u soo martay waxaana wali xusuusta Liverpool ka buuxda murugadii sanadkii hore ee finalkii Champions League kaas oo ay doonayaan in ay dib u saxaan wixii ka qaldamay.

SIDOO KALE AKHRISO:  XOG: Lix Arimood Oo Laga Bartay Gumaadkii Ay Man United U Gaysatay Chelsea Iyo Qodobadii Looga Hadlay Kulankan.

Kooxaha Liverpool iyo Tottenham ma aha kooxo isku cusub balse waa kooxo si buuxda isku fahmaya, isku ciyaar garanaya isla markaana ay gadaal ka riixayso xamaasadii iyo xifiltankii Premeir League ee sanadaha badan ay ku soo wada jireen.

Haddaba shabakada Caalamiga ah ee Gool24 ayaa halkan idiinku soo diyaarisay lix meelood oo ay kooxaha Liverpool iyo Tottenham ku kala guulaysan karaan. halkan ayaanad kaga bogan kartaa.

6-Sadio Mané v Kieran Trippier

Xili ciyaareedkan Liverpool waxaa si wayn sare ugu soo qaaday qaab ciyaareedkiisii cajiibka ahaa Sadio Mane kaas oo ku jira heerkii ugu fiicnaa ee waayihiisa kubbada cagta, wuxuuna si toos ah uga hor iman doonaa difaaca midig ee Kieran Trippier.

SIDOO KALE AKHRISO:  Xumaan Uma Arko Haddii Uu Neymar Ku Biiro Real Madrid, Waxaanse Sharad Ku Galayaa In Haddii Barcelona......

Kieran Trippier waxa uu waqti ahaa mid Kyle Walker kula tartamayay difaaca midig ee England ugu fiican laakiin tan iyo wixii ka danbeeyay koobkii aduukna ee Russia 2018 waxa uu ku soo jiray xaalad aanu qaab ciyaareedkiisa joogtayn karin.

Sadio Mane waxa uu leeyahay xirfadii, xawaarihii iyo xoogii uu dhibaato kasta ugu abuuri lahaa Kieran Trippier waana goob dagaal oo ay Liverpool ku gacan sarayn karto haddii uu Mane soo bandhigo qaab ciyaareedkii looga bartay.

Kieran Trippier waxa uu gali doonaa culayskii waayihiisa ciyaareed ugu waynaa maadaama oo uu markii ugu horaysay ka soo muuqan doono finalka Champions league waxaana cadaadiska waqtiga ee kulankan u dheer in uu Mane xidhan doono.

Sadio Mane waxa uu sidii caadada ahayd ku soo bilaaban doonaa garabka weerarka bidix waana goobta uu difaaca midig ee Tottenham isku soo taagi doono Kieran Trippier taas oo abuuri doonta goob ciyaarta loogu kala guulaysan karo.

SIDOO KALE AKHRISO:  Miyay Awooda Chelsea Is Bedeshay Kaddib Bixitaankii Eden Hazard & Imaatinka Tababare Lampard? Jurgen Klopp Ayaa Ka Jawaabay Kahor Kulanka Super Cup-ka.

Haddii uu Sadio Mane awoodo in uu soo dhaafo difaaca midig ee Kieran Trippier isla markaana uu kubbada la soo galo xerada ganaaxa waxa uu heli karaa fursado gool dhalineed ama uu Mohamed Salah iyo Roberto Firmino fursado gool dhalineed ugu abuuri karo.

Sadio Mane waxa uu 16 kii kulan ee Premier League ugu danbeeyay soo dhaliyay 14 gool isaga oo xili ciyaareedka Premier league ku dhamaystay 22 gool oo uu kabta dahabka ah ugu guulaystay.

Sidaa daraadeed, goobta dagaalka Sadio Mane iyo Kieran Trippier midkii gacanta sare yeeshaa waxa uu ciyaarta ku yeelan doonaa saamayn loogu kala guulaysan karo.

Riix 2,3,4,5,6 si aad goobaha dagaalka iyo shaxda macquulka ah uga bogato