XOG: Saddexdan Arimood Ayaa Sabab U Ah In Warar Iskhilaafsani Ka Soo Baxayaan Tartana Lix Geesoodka Ah Ee Loogu Jiro Saxiixa Matthijs De Ligt.

Wararkii Ugu Danbeeyay Suuqa Kala Iibsiga Ciyaartoyda
Wararkii Ugu Danbeeyay Suuqa Kala Iibsiga Ciyaartoyda

Taageerayaasha kubbada cagta aduunka ayaa ku jaho wareersan wararka is khilaafsan ee ka soo baxaya warbaahinta kala duwan ee dalalka Yurub ee la xidhiidha tartanka lix geesoodka ah ee loogu jiro kabtanka kooxda Ajax ee Matthijs de Ligt.

Qaar ka mid ah warbaahinta ayaa haddaba qoraya in kooxda PSG ay qarka u saaran tahay in ay dhamaystirto saxiixa Matthijs de Ligt laakiin isla warar kale oo ay saxaafadu soo bandhigayso ayaa muujinaya in Barcelona tahay kooxda ku guulaysanaysa saxiixa De Ligt.

Kooxaha Barcelona, Manchester United, Paris Saint-Germain, Liverpool, Juventus iyo Bayern Munich ayaa dhamaantood lala xidhiidhinayaa saxiia difaaca xulka Netherlands iyo kooxda Ajax ee De Ligt.

Intaas oo kaliya kuma koobna, balse warar kale ayaa sheegaya in wali ay Liverpool ay haysato fursad ay kooxaha Yurub kaga dul qaadi karto saxiixa Matthijs de Ligt waxaana jira jaho wareer wixii ay taageerayaasha kukbbada cagta aduunku rumaysan lahaayeen.

SIDOO KALE AKHRISO:  CIID WANAAGSAN, CIID MUBAARAK! Kooxaha Waa Weyn Ee Yurub Oo Taageerayaashooda Ugu Hambalyeeyay Munaasabada Ciida Carafo

Haddaba Akhriste, maxaa Sabab u Ah Wararka Is Khilaafsan Ee La Xidhiidha Tartanka Loogu Jiro Matthijs de Ligt?

Dhawr arimood ayaa tahay in aad marka hore fahanto si aad ula jaan qaadi karto wararka haddaba dhinac isku rogaya ee la xidhiidha dagaalka xoogan ee loogu jiro saxiixa Matthijs de Ligt.

Haddaba shabakada Gool24 ayaa halkan idiinku soo gudbinaysa sababaha keenay in haddba warar is khilaafsani ka soo baxayaan xiisaha kooxaha Yurub ee Matthijs de Ligt halkan ayaanad kaga bogan kartaa.

1- Wakiilka Matthijs de Ligt Ee Mino Raiola Oo Wax Badan Ku Lug Leh Qaska Wararka Suuqa Ee Kabtanka Ajax Ee De Ligt:

Wakiilka Matthijs de Ligt Ee Mino Raiola ayaa ah sababta ugu wayn ee wararka jaho wareerka suuqa ee De Ligt, maadaama oo uu doonayo in kooxaha ugu tirada badan ee ugu suurtogalsani ay tartankiisa baaqi ku sii ahaadaan.

SIDOO KALE AKHRISO:  Kooxaha Premier League Oo Muddo Dheer Markii Ugu Horaysay Lagu Garaacay 10-Ka Saxiixa Ee Xagaagan Ugu Qaalisanaa.

Mino Raiola waxay dantu ugu jirtaa in tartanka De Ligt loogu jiraa uu sii jiitamo isla markaana ay koox kastaaba heli karto fursada ay isaga kula xaajoon karto, wuxuuna taas ku heli karaa lacag aad ugu badan inta uu ka heli lahaa haddii hal koox ama laba kooxood ay ku tartamayaan.

Wakiilka De Ligt ee Mino Raiola waxa uu caan ku yahay wada xaajoodyo aad u jiitama, waxaana lagu xusuustaa heshiiskii Pual Pogba uu Man United ugu laabanayay markaas oo uu Barcelona, Real Madrid iyo Man United waqti badan uu wada xaajood la galay.

Laakiin markii uu lacagta ugu badan ka helay Manchester United, waxa uu Pogba u jiiday Old Trafford isaga oo dilaalkii abid ugu badnaa ee uu shaqsi kubbada cagta ka helay looga diwaan galiyay.

SIDOO KALE AKHRISO:  Qiimaynta Ciyaartoyda Kooxaha Man City & Tottenham Ee Kulankii Ay Labada Kooxood Barbaraha Ku Galeen Etihad Stadium.

Markale Mino Raiola waxa uu doonayaa in uu De Ligt ku jiido kooxda uu ka heli karo dhaqaalaha ugu badan ee dilaalkiisa ah, mushaarka ugu sareeya ee xidiga reer Holland isla markaana ay Ajax ka heli doonto dalab ay aqbali karto.

Sidaa daraadeed, sababta ugu wayn, ee jaho wareerka aad suuqa ku aragtay ee maalinba la sheegayo in De Ligt uu koox heblaayo ku dhaw yahay, waxaa arin Mino Raiola ay danta ugu wayn ugu jirto, waxaana la filayaa in uu lacagta ugu badan ku heli doono isjiid-jiidhka uu dhexda ugu jiro ee De Ligt.

Riix 2,3 si aad labada qodob ee kale u akhrisato