XOG: Saddex Siyaabood Oo Unai Emery Iyo Kooxdiisa Arsenal Ku Garaaci Karto Kooxda Koobka Premier league Difaacanaysa Ee Man City Kulanka Ee Kulankooda Furitaanka Premier League.

Arsenal ayaa garoonkeeda Emirates kusoo dhoweyn doonta naadiga haysta horyaalka Premier League ee Manchester City maalinta Axadda, halkaas oo labada naadiba uu uga bilaabmi doono hayaanka xili ciyaareedka cusub ee 2018/19.

Manchester City oo xili ciyaareedkii hore horyaalka ku qaaday iyadoo 19 dhibcood ka sarraysa kooxda kusoo xigta oo ahayd Manchester United, ayaa uu tababare Pep Guardiola kusoo kordhiyey dhawr ciyaartoy oo uu ugu magac weyn yahay Riyad Mahrez, si uu mar labaad ugu ceshado hanashada Koobka, isla markaana gacanta ugu dhigo Champions League.

Arsenal ayaa waxa iyadana ku dhacay isbeddel weyn markii uu wakhtigii fasaxa ka tegay tababare Arsene Wenger oo muddo 22 sannadood ah soo laylinayey, waxaana xilka la wareegay Unai Emery oo dhawr ciyaartoy kusoo kordhiyey kooxda, hase yeeshee, xaqiiqada ah inay xili ciyaareedkii hore kaalinta lixaad ka gashay horyaalka Premier League iyo in aanay ka mid ahayn naadiyada ku jira tartanka Champions League muddo dheer kaddib ayaa ah caqabad ciyaartooyada niyad jab ku ah.

Kulanka ugu horreeya ee horyaalka waxay Arsenal ku furan doontaa imtixaankii ugu adkaa ee kusoo beegma marxaladdan oo kale sannadahan dambe, waxaanay ku khasban yihiin inay ka gudbaan si ay taageereyaasha u qanciyaan amaba u helaan niyad wanaagsan oo ay kusii loollamaan horyaalka, una fishaan natiijo ka duwan tii sannadkii hore, waana khasab inay ka guuleystaan amaba ugu yaraan barbar-dhac la galaan City.

Haddaba shabakadda ciyaaraha ee Cadalool.com iyo cadalool.net waxay halkan idiinku soo gudbinayaan saddex arrimood oo Arsenal u sahli kara inay garaacdo Manchester City kulanka Axadda.

Cadaadis sare iyo isku-duubni: Tababarihii hore ee Arsenal ee Wenger muu jeclayn kubadda cadaadiska badan laysa saaro, waxaanu ka door bidayey kubbad qurux badan oo furfuran, hase yeeshee Unai Emery shaxdiisu way ka duwan taas, waxaanu caan ku yahay inuu cadaadis saaro kooxaha kasoo horjeeda.

Intii lagu jiray ciyaarihii saaxiibtinimo, Arsenal waxay u muuqatay mid ka duwan sidii ay ahaan jirtay, waxaana ka muuqatay dhiirranaan iyo in aanay u nasanaynin inay ka hor tagaan kooxda kasoo horjeedda markay kubadda haystaan oo aanay u ogolaanin inay kubadda isku-habaystaan.

Kulankii Chelsea, Arsenal waxay isticmaashay taatikada cusub ee cadaadiska ah, hase yeeshee waxay u muuqdeen in saxeexa cusub ee Blues ee Jorginho uu kaga wanaagsanaa taas, balse ciyaartii saaxiibtinimo ee Lazio ayay Arsenal si dhab ah u hirgelisay khidadda cusub ee cadaadinta.

Manchester City oo ah kooxd kubadda gacanta ku haysa inta badan kaddibna weerar isku duuban soo qaada, ayaa ay Arsenal u baahan tahay inay u diiddo inay kubadda isku dhiibaan, iyagoo si isku duuban oo wada-shaqayn ah uga hor tegaya.

Haddii ay Gunners sidan sameeyaan, waxa wiiqmi doono qaab ciyaareedkii Manchester City oo horeba ay sidan oo kale ku samaysay Liverpool.

Culays la saaro difaaca baalaha ee City: Arsenal ayaa ku ciyaari doonta laba shaxdood midkood oo kala ah: 4-2-3-1 iyo a 4-1-4-1, iyadoo udub-dhexaad ay u ahaanayaan laacibiinta Aubameyang, Mkhitaryan iyo Ozil oo si wada jir ah hujuum ugu qaadi doona difaacyahannada Kyle Walker iyo Benjamin Mendy oo dhinacyada bidixda iyo midigta ka ciyaari doona.


Ozil iyo Mkhitaryan waxay awood u leeyihiin inay burburiyaan difaaca ka hor yimaadda haddii ay garab fiican ka helaan khadkooda dhexe ee la shaqaynaya, halka Aubameyang uu saaxiib la yahay shabaqa haddiiba kubbado fiican loo keeno.Arsenal haddii ay arrintan samayso, waxay yeelan doontaa gacanta sare ee ciyaarta.


Kubbad Deg-deg loo socodsiiyo: Arsenal waxay jeceshahay inay kubadda iska haysato wakhti dheer iyo intii suurtogalka u ahba, laakiin ciyaartan Manchester City ay ka hor tegayaan, waxay u baahan yihiin inay dhaqankaas beddelaan, kubaddana ka dhigaan mid xawli ku socota oo markiiba ay weerarka geeyaan.


Weeraryahanka Aubameyang oo ah ciyaartoy dheereeya, ayaa Gunners u dhaliyey 10 gool 13 ciyaarood oo kaliya oo uu xili ciyaareedkii hore saftay, waxaana uu hadda waajahayaa Kompany, Laporte iyo Stones oo ah libaaxyo ku wanaagsan difaaca, hase yeeshee haddii Arsenal ay kubbad degdeg ah la ciyaarto oo ay weerar rogaal-celis ah kubadda ugu tuuraan, waxa hubaal ah in Aubameyang uu orod kaga dheerayn doona difaaca City, farsamadiisa sarraysaana ka caawin doonto inuu goolal ka dhaliyo.


Si arrintani u hirgasho, Arsenal waa inay ka shaqaysiiso Xhaka, isla markaana loo sheego in isla marka uu kubadda qabto uu tiigsado Aubameynag.

Saddexdan arrimood, waxay Arsenal ka caawin doonaan inay saddexda dhibcood ee ciyaarta ka qaadato Manchester City kulankooda koowaada ee horyaalka oo labada kooxoodba u dagaallamayaan inay guuleystaan.