SADDEX Arrimood Oo Chelsea Ku Qasbaya Inay Xagaaga Iibiyaan N’Golo Kante Iyo Dhibaatada Uu Lampard Ka Dhaxlay Maurizio Sarri Ee Dibedda U Tuuraysa Xiddigan

Inyar kaddib markii la guddoonsiiyey abaal-marinta PFA ee xiddiga ugu fiican gudaha waddanka Ingiriiska xilki ciyaareedkii 2016/17, N’Golo Kante waxa uu mar kale horyaalka Premier League kula guuleystay Chelsea, isaga oo noqday laacibkii ugu horreeyey ee laba horyaal oo isku xigta la qaatay laba kooxood oo kala duwan, intii ka dambaysay Eric Cantona oo taariikhdaas iska haystay.

£32 milyan oo Gini oo N’Golo Kante ay Chelsea kasoo bixisay markii ay kasoo qaadanaysay Leicester City, waxay horseedeen sannado qosol iyo farxad leh iyo bandhig ay jamaahiirta Blues ugu faanaan dhigooda kale oo uu ku muujiyey garoomada.

Koritaanka kubbadeed ee Kante, waxa lagu tilmaamaa mid ka mid ah sheekooyinkii ugu cajiibsanaa ee tobankii sannadood ee ugu dambeeyey soo maray dunida ciyaaraha. Waxa sheekooyinkii nololeed ee gaarka ah sii qurxiyey, labada koob ee Premier League ee isku xiga oo uu sii raacdsaday Koob Adduun oo uu udub-dhexaad ugu noqday Faransiiska in sannadkii 2018 ay 20 sannadood kaddib hantiyaan Koobka Adduunka oo ay ugu dambaysay 1998 oo Zidane uu halyeygii horseedka ugu ahaa xilligaas.

Dhacdooyinka layaabka leh, waxa iyaguna ka mid ah in Koobkii Adduunka ee 2014 uu ahaa mid aanay cidina aqoonin oo ka ciyaara heerka labaad ee Faransiiska, balse mar kaliya ay qaab-ciyaareedkiisa lagu tilmaamo Claude Mekelele cusub uu ku qabsaday dunida, taas oo ay u dheertahay ixtiraam, edeb iyo xishood aanay jirin cid ay iskaga mid yihiin oo garoomada lagu arkay.

Intii uu joogay Stamford Bridge, Kante waxa uu ahaa mid ka mid ah ciyaartoyda lama-taabtaanka ah ee aanay cidina ku hammiyi karin inay booskiisa dhexlaan, laakiin hadda waxa muuqanaya astaamo ku riixaya in Chelsea ay go’aan adag ka qaadato mustaqbalkiisa oo ay iska iibiso marka uu furmo suuqa iibka ciyaartoyga ee xagaaga.

Saddex sababood ayay khubrada ciyaaruhu soo bandhigeen oo Blues ku cadaadin doona inay ugu dambayntii suuqa dhigto halgamaaga N’Golo Kante, kuwaas oo laba ka mid ah ay la xidhiidhaan bandhiggiisa iyo midda saddexaad oo ah qiimaha waqtiga.

Halkan ka akhriso saddexda sababood ee Chelsea ku riixaya inay iibiso N’Golo Kante

3. Dhaawacyadiisa oo batay

“Afar sannadood ayuu si joogto ah u ciyaarayay, laakiin dhaawacii kasoo gaadhay finalkii Europa League ayaa saameeyey ciyaarihii saaxiib-tinimo ee ka hor bilowga xili ciyaareedka. Fasaxa caalamiga ah ayaa u wanaagsanaa isaga si uu dhaawaca uga soo kabto. Qof kastana way u fiican tahay sababtoo ah, wuxuu ciyaarayay kulan kasta kaddib, kulanka xiga, kulanka sii xiga.” Sidaa waxa bishii August ee sannadkii hore yidhi Frank Lampard.

Nasiib-darro wax badan iskamay beddelin ciyaartoyga iyo tababarihiisa, waxaana mar kale kusoo laabtay dhaawacyo dibedda dhigay waqtiyo badan oo taariikhdiisana geliyey fasal-ciyaareedkii ugu dhaawaca badnaa. Tababarro badan iyo ciyaaro badan ayuu seegay, waxaanu maqnaa xataa xilligii ciyaaraha fasaxa loo geliyey xanuunka Coronaviurs. Dhaawaciisii ugu dambeeyey waxa uu soo gaadhay kaddib ciyaartii Manchester United ay guul-darrada u xambaarisay bishii February. Tani waxay keentay in isku-geyn ciyaaraha uu sannadkan u dheelay Blues ay noqdaan 22 kulan oo kaliya, waana heerkiisii ugu xumaa tan iyo sannadkii 2012.

Sida uu Lampard sheegay, dhaawacyo Kante waxa suurtogal ah inay qayb weyn ku leeyihiin ciyaaraha badan ee xili ciyaareed kasta uu dheelo oo celcelis ahaan kor u dhaafaya 50 kulan, taana waxa sababtay muhiimadda uu u leeyahay kooxdiisa iyo xulka qarankiisaba oo xattaa ka dalbaday inuu ciyaaro xilliyo uu dhaawac ahaa. Xili ciyaareedkii 2018/19 finalkii UEFA Europa League ayaa tusaale u ah in la dhaawac ciyaarsiiyo, waxaana ciyaartaas uu tababare Maurizio Sarri khadka dhexe dhigay oo ciyaarta uu dhamaystay isaga oo dhaawac ah.

Hadda, 29 jirkan waxa is-dhintay awooddiisii orodka iyo tamarta, waxaana muuqata in aanu ahayn laacibkii aan daqiiqadda kaliya istaagaynin afartii sannadood ee ugu dambeeyey ee xirfaddiisuna layaabka ku ridaysay dadka.

Arrintani waxay Chelsea ku riixi karaysaa inay iska iibiyaan N’Golo Kante maadaama aanay hubin sida uu noqon doono xili ciyaareedka dambe oo hoos-u-dhac kale oo uu kusii jiraa uu sababi doono in sida ay hadda Chelsea hoos ugu dhacday markii uu dhaawaca ka noqday, ay sidaas oo kale dhulka usii galaan. Si taas ay uga hor  tagaanna ay tahay inay suuqa u galaan beddelkiisa.

Riix 2 iyo 3  si aad u wada akhrisato

Sida Ugu Sahlan Ku Hel Wararka Ciyaaraha,Halkan Ka Dajiso App-ka Gool24.net RIIX HALKAAN OO HEL APPKA.

LIKE OUR OFFICIAL FACEBOOK PAGE Gool24 Facebook