XOG: Rekoodhada, Xogta Iyo Xaqiiqooyinka Finalka Champions League Ee Liverpool & Tottenham Iyo Taariikhda Labada Kooxood Ee Tartamada Yurub.

Tottenham ayaa waligeed guul ku gaadhin ciida Spain ee lagu qabanayo finalka Champions League waxayna ku leeyihin 3 guuldaro iyo 3 barbaro ah.

Liverpool waxay Spain ku soo guulaystay 7 jeer, 6 guuldaro ayaa sidoo kale ku soo gaadhay iyo 5 barbaro ah waxaana ugu danbaysay guuldaradii kulankii lugtii hore ee Champions League ee ay Barcelona kala soo laabteen.

Liverpool ayaa rekoodh guuldaro la’aan ah ka soo hasyatay shantii kulan ee ugu danbeeyay ee tartamada kooxaha Yurub ee ay ka hortimid kooxaha Ingiriiska waxayna Reds soo heshay 3 guulood iyo 2 babraro ah iyada oo Man City guuldaro 3-0 ah ku baday Anfield halka ay 2-1 ku badeen kulankii Etihad Stadium ee xili ciyaareedkii hore.

Guud ahaan Liverpool ayaa 20 kulan kooxaha Ingiriiska kula ciyaartay tartamada Yurub waxayna soo guulaysteen 7 ka mid ah halka 8 kulan ay barbaro ku dhamaadeen waxayna Reds kooxaha Ingiriiska ee kulamadii Yurub kala kulantay 5 guuldaro oo kaliya.

Miyay Liverpool Iyo Tottenham Hore Iskugu Arkeen  Kulamo Tartanka Kooxaha Yurub Ah?

Xili ciyaraeedkii 1972/73 kii kooxaha Liverpool iyo Tottenham ayaa iskaga hor yimid afar dhamaadkii UEFA Cup waxayna Liverpool ku soo gudubtay sharciga goolasha martida ah kadib markii ay wadarta labada Kulan noqotay barbaro 2-2 ah.

Finalka Champions League ee Liverpool Vs Tottenham
Finalka Champions League ee Liverpool Vs Tottenham

Kulankii lugtii hore ee afar dhamaadkii UEFA Cup waxaa Liverpool faa’iido u soo horseeday Alec Lindsay kaas oo gool u soo saxiixay laakiin Tottenham waxaa kulankii lugtii labaad laba gool u dhaliyay a Martin Peters balse waxaa rajadii Spurs dilay Steve Heighway oo Liverpool u saxiixay goolka labaad ee sharci ahaan ay ugu soo baxeen finalkii UEFA Cup ee xili ciyaareedkii 1972/73.

 Waa Sidee Rekoodhka Kulamada Fool-ka-Foolka Ah Ee Liverpool vs Tottenham?

Liverpool iyo Tottenham waxay soo wada ciyaareen 170 kulan oo tartamada oo dhan ah, waxaana guud ahaan gacanta sare soo lahayd Liverpool oo 79 jeer guuldaro baday Spurs halka Tottenham ay 48 jeer ka guulaysatay Liverpool.

Liverpool iyo Tottenham 43 jeer barbaro galay laakiin Reds ayaa hal guuldaro oo kaliya Tottenham kala soo kulmay 14 kii ulan ee ugu danbeeyay waxayna soo guulaysteen 9 jeer oo ka mid ah waana taariikh ka soo bilaabantay sanadkii 2013 kii.

Xili ciyaareedkan Liverpool iyo Tottenham waxay wada ciyaareen labadii Kulan ee premier League waxayna labada jeerba Liverpool guul ku gaadhay 2-1 iyada oo kulankii guu danbeeyay ee March 31 uu difaaca Spurs ee Toby Alderweireld uu goolkii guusha ee Liverpool iska dhaliyay dhamaadkii ciyaarta.