XOG: Rekoodhada, Xogta Iyo Xaqiiqooyinka Finalka Champions League Ee Liverpool & Tottenham Iyo Taariikhda Labada Kooxood Ee Tartamada Yurub.

⇒ Tottenham ayaa markii shanaad soo gaadhay finalada tartamada kooxaha Yurub waana markii labaad ee ay kulan final tartanka Yurub ah ku wajahayaan koox Ingiriis ah iyaga oo Wolves wadar guul 3-2 ah ka gaadhay finalkii ugu horayay UEFA Cupka ee 1971/72.

Tottenham waxay sidoo kale guul 5-1 ah ka gaadhay Atletioc Madrid ee finalkii European Cup Winners’ Cup markaas oo ay sanadkii 1963 kii noqotay kooxdii Ingiriiska ahayd ee ugu horaysay ee koobkan ku guulaysatay.

Tottenham ayaa sanadkii 1984 kii waxay rekoodhayaal ku garaacday kooxda Anderlecht ee finalkii UEA Cup oo ay guul 4-2 ah ku gaadhay laakiin xili ciyaareedkii 1973/74 kii waxay guuldaro 4-2 ahi ka soo gaadhay kooxda Feyenoord ee finalkii UEFA Cupka.

Finaladii Ay Liverpool Ka Soo Ciyaartay Tartanka Champions League.

Liverpool ayaa soo guulaysatay shan kulan final oo Champions League ah oo ka mid ah siddeedii jeer ee ay tartankan finalkiisa soo gaadheen sidan ayayna natiijooyinkii u dhaceen:

1976/77: Liverpool 3-1 Borussia Monchengladbach
1977/78: Liverpool 1-0 Club Brugge
1980/81: Liverpool 1-0 Real Madrid
1983/84: Liverpool 1-1 Roma (aet; Liverpool win 4-2 on penalties)
1984/85: Juventus 1-0 Liverpool
2004/05: Liverpool 3-3 AC Milan (aet; Liverpool win 3-2 on penalties)
2006/07: AC Milan 2-1 Liverpool
2017/18: Real Madrid 3-1 Liverpool

Liverpool ayaa saddex jeer oo kala duwan waxay min laba jeer oo xidhiidh ah soo gaadhay ah soo gaadhay finalka taranka kooxaha Yurub waxaana taas sameeyay oo kaliya laba kooxood oo ay laba guuldarooyin oo xidhiidh ahi soo gaadheen.

Haddii ay Liverpool guuldaro kala kulanto Tottenham waxay barbarayn doontaa rekoodhka ugu liita ee ay haystaan Juventus oo laba jeer oo xidhiidh ah finalkan soo gaadhay 1997 iyo  1998 halka Valencia ay tahay kooxda labaad ee laba sanadood oo xidhiidh ah soo gaadhay finalkan ee haddana guuldarooyin la kulantay waxayna ahaayeen 2000 iyo 2001.