XOG: Real Madrid Oo Noqotay Kooxda Ugu Fiican Horyaalka La Liga Ee Dalka Spain Kadib Imaatinka Macalinkeeda Cusub Ee Julen Lopetegui.

Kooxda Real Madrid ayaa hogaamineysa kooxaha ugu fiican horyaalka La Liga ee xilli ciyaareedkan, kadib imaatinka macalinkeeda cusub ee Julen Lopetegui, gaar ahaan qeybta hore ee dhanka garoonka.

Los Blancos ayaa muujisay calaamad cad ee arintan ku aadan, kadib markii ay soo wada guuleysteen saddexdii kulan ugu horeesay ay kula soo ciyaareen horyaalka La Liga ee dalka Spain kooxaha Getafe, Girona iyo Leganis, isla markaana ay kula dagaalamaan dhanka hogaanka horyaalka kooxda Barcelona, balse dhanka farqiga goolasha ay ku hogaamineyso kooxda reer Catalonia.

Real Madrid ayaa ku soo daabacday website-keeda rasmiga ah, iyagoo tilmaamaya in qaab ciyaareedka dhanka weerarka uu ahaa mid cajiib ah la shaqeynta tababare Julen Lopetegui, kadib markii ay dhaliyeen 10 gool, 19 shuut ay ku tuureen kooxaha kasoo horjeeday, taasoo cel celis ahaan wax qabadkooda ka dhigan 52.63%.

Taasi micnaheedu waa in kala badh shuudadka ay koooxda Real Madrid ku tuureen kooxaha kasoo hor jeeda ay isku badaleen ugu dambeyn goolal xidigaha Gareth Bale iyo Karim Benzema ayaa lagu tiriyaa inay ahaayeen kuwa ugu fiican La Liga saddexdii kulan ee laga soo ciyaaray.

Labadan ciyaaryahan ayaa ku bilaawday xili ciyaareedkan qaab cajiib ah, kadib markii ay 3 kulan lasoo dhaafay ku dhaliyeen 7 gool, 4 gool ka mid ah waxaa dhaliyay weeraryahanka reer France, halka 3-da kalena uu dhaliya xidiga reer Weles, Gareth Bale ayaa shabaqa kasoo taabtay seddexdii kulan ugu horeysay horyaalka ay kula soo ciyaareen kooxaha Getafe, Girona iyo Leganis, halka Karim Benzema uu min 2 gool kasoo dhaliyay Girona iyo kan kale ee Legianis.

Benzima iyo Bale ayaa ka sara maray labada xidig kooxda Barcelona ee Lionel Messi iyo Luis Suarez, kuwaasoo saddexdii kulan ay soo ciyaareen ka dhaliyay isku jirkooda 6 gool, 4 ka mid ah waxaa dhaliyay Messi, halka 2-da kale uu dhaliyay Suarez, kadib waxaa soo raacay labada xidig kooxda Levante ee Roger iyo Morales oo iyagana dhaliyay 6 gool, waxayna u kala qeyb sadeen min 3 gool.