XOG: Miyay Yihiin Ciyaartoyda Inta Ugu Badan La Buun Buuniyay Ee Heerkoodii La Dhaafiyay- Sagaal Khabiir Oo Magacaabay Ciyaartoyda Premier League Ee Magac Bilaash Ah Iska Helay.

Warbaahinta dalka Ingiriiska ayaa agu eedeeyaa in ay buun buunin badan ka samayso ciyaartoyda qaar kuwaas oo la tilmaamo in ay ka hooseeyaan heerka ay warbaahinta England gaadhsiiso.

Khabiiro badan oo ka hawl gala wargayska Express Sport ayaa dood ka yeeshay ciyaartoyda ay u arkaan in la buun buuniyay oo la gaadhsiiyay heer ayna gaadhsiisnayn marka la qiimeeyo tayadooda ciyaareed ama wax qabadkooda kubbada cagta.

Waxaa liiskan ka soo muuqday ciyaartoy magac wayn ku leh kubbada cagta England oo hadda ka tirsna kooxaha Premier League inkasta oo lagu kala duwan yahay ciyaartoyda la buun buuniyay xaaladooda.

Miyuu Paul Pogba yahay ciyaartoyga inta ugu badan la buun buuniyay? Maxaa laga yidhi Mesut Ozil? Miyayse  Wilfried Zaha , Alisson Becker iyo Nicolas Otamendi ka mid yihiin ciyaartoyda heerkoodii la dhaafiyay?

Warbixintan ayaanu idiinku soo koobnaynaa qiimaynta khabiirada Express Sport iyo mid kastaaba xidiga uu u doortay in la buun buuniyay oo la dhaafiyay heerkiisii halkan ayaanad kaga bogan kartaa.

Sagaal khabiir oo ka hawl gala Express Sport ayay laba ka mid ahi Mesut Ozil u doorteen xidiga inta ugu badan la buun buuniyay ee la gaadhsiiyay heer aanu gaadhsiisnayn.

Laakiin saddex khabiir oo ka mid ah ayaa saddex ciyaartoy oo Manchester United ka tirsan u kala doortay ciyaartoyga inta ugu badan la buuniyay waxayna kala yihiin Pual Pogba, Harry Maguire iyo Scott McTominay halka khabiir kale uu goolhayaha Liverpool ee Alisson Becker uu u doortay xidiga la buun buuniyay ee la gaadhsiiyay heer aanu gaadhin.

Liiska ciyaartoyga uu khabiir kastaaba u doortay xidiga inta ugu badan la buun buuniyay ee Premier League ka ciyaara:

Mesut Ozil – Gideon Brooks

Nicolas Otamendi – Neil Squires

Mesut Ozil – Matthew Dunn

Wilfried Zaha – Rhys Turrell

Scott McTominay – Bruce Archer

Paul Pogba – Luke Gardener

Alisson – Matt Atherton

Harry Maguire – Ryan Taylor

Jordan Pickford – James Benson

Haddaba akhriste, haddii adiga lagu waydiin lahaa magacow hal ciyaartoy oo Premier league ka tirsan oo inta ugu badan la buun buuniyay lana dhaafiyay heerkiisa -kuma ayuu noqon lahaa?

1 Comment

  1. Mrka hore erayga khabiir noo sharxa idinka and wargeyska ah.
    kiii hadlaaaba khabiiraa ku heysaan aaway dadkiii kale.
    mida kle history-ga 9kan khabiir ee aad sheeegeysaan ma heysaan.

Comments are closed.