AKHRISO: Magacyada Ciyaartoyda Iyo Tababareyaasha Uu Ku Dhacay Xanuunka Coronavirus illaa Hadda Iyo Kooxaha Ay U Ciyaaraan

Mushkiladda Xanuunka Coronavirus ayay dunidu la halgamaysaa sidii ay u xakamayn lahayd, waxaana illaa hadda u dhintay dad tiradoodu ku dhow dahay 13,000 qof oo intooda badan ay Talyaani yihiin, tirada guud ee dadka uu ku dhacayna waxay afka saartay 300,000 qof, kuwaas oo 94,625 ka mid ah ay ka bogsadeen.

Talyaaniga ayaa ah kan dhibaatada ugu badan uu u geystay ee dhimashada kaalinta koowaad kaga jira, waxaana ku xiga Jarmal, Isbaanish, Maraykanka, Iran, Faransiiska, Koonfur Korea iyo dalal kale, laakiin waddanka uu kasoo bilaabmay ee China ayaa si buuxda uga adkaanaya, kaas oo dadka uu caabugani ku dhacay oo tiradoodu ahayd 81,008 ay kaliya hadda u jiifaan 6,013 qof, halka ay 71,740 ka bogsadeen.

Xanuunkani waxa uu kala go’doomiyey dunida oo xayiraad gelisay isku-socodkii, iyadoo ay haawanayaan garoomadii ciyaaraha, tareemadii iyo goobihii kale ee ay bulshooyinku iskugu iman jireen.

Ciyaaraha ayaa xanuunkan uu sababay in ay istaagaan muddo laba bilood ah, iyadoo dib loo dhigay tartamada waaweyn ee heer qaaradeed ee sannadkan qorshaysnaa sida UERO 2020 iyo Copa America 2020 oo badhtamaha sannadka dambe la qaban doono. Waxa kale oo baaqday ciyaarihii isreeb-reebka Koobka Adduunka 2022 lagu qaban doono Qatar, iyadoo bishan ay dhici lahaayeen ciyaaro ay qaramadu yeelan lahaayeen.

Intii uu xanuunkani jiray, dadka uu laayay waxa ku jiray tababare koox ka dhisan waddanka Spain laylin jiray, waana qofka kaliya ee isboortiga qaybta ka ah ee u geeriyooday, hase yeeshee waxa jira ciyaartooyo iyo tababareyaal kale oo uu ku dhacay oo waqtigan u jiifa.

Ciyaartoygii ugu horreeyey ee caabuqan laga helo, waxa uu ahaa Rugani oo difaaca uga ciyaara Juventus oo diiwaanka loo geliyey qofkii ugu horreeyey ee ciyaara kubadda cagta, laakiin waxa uga dambeeyey laacibiin badan oo illaa tartamada Maraykanka ah, sida kubadda kolayga ee NBA oo halyeyga weyn ee Kevin Duran (KD) uu waqtigan u jiifo.

Haddaba waxa aanu halkan idiinku soo gudbinaynaa liiska iyo magacyada ciyaartoyda tartamada kala duwan ee adduunka ee uu Coronavirus ku dhacay iyo tababareyaasha.

Kubadda cagta

– Leandro Cabrera, Wu Lei  iyo shan ciyaartoy oo kale (Espanyol)

– Blaise Matuidi, Rugani, Paulo Dybala  (Juventus)

– Ezequiel Garay, Mangala, Gayà (Valencia)

– Jonathas de Jesus (Elche)

– Patrick Cutrone, German Pezzella, Dusan Vlahovic (Fiorentina)

– Timo Hübers, Jannes Horn (Hannover 96)

– Manolo Gabbiadini, Omar Colley, Albin Ekdal, Morten Thorsby, Antonino La Gumina (Sampdoria)

– Mikel Arteta (Arsenal)

– Callum Hudson-Odoi (Chelsea)

– Martín Ortega (Agaasimaha Leganés)

– Luca Killian (Paderborn)

– Evangelos Marinakis (Mulkiilaha Olympiacos)

– Timo Hübers, Jannes Horn (Hannover 96)

James Boldon, Andy Cannon iyo Sean Raggett (Portsmouth)

BASKETBALL

– Marcus Smart (Boston Celtics)

– Kevin Durant (Brooklyn Nets)

– Christian Wood (Detroit Pistons)

– Trey Thompkins (Real Madrid) 

– Rudy Gobert (Utah Jazz)

– Donovan Mitchell (Utah Jazz)

– Chris Kielsmeier (Cleveland State, c)

Tartanka Baaskiilka (Cycling)

– Fernando Gaviria

– Dmitry Strakhov

– Maximiliano Richeze

Kubadda gacanta (HANDBALL)

– Gedeón Guardiola (Rhein-Neckar Löwen)

– Five players (Trops Málaga)

– Two players (Chambéry)

VOLLEYBALL

– Earvin Ngapeth, Laacib Faransiis ah

Kubadda cagta Maraykanka (NFL)

-Sean Payton, (Tababaraha kooxda New Orleans Saints)