XOG: Min Alexi Sanchez, Riyad Mahrz, Mesut Ozil Ilaa Daniel Sturridge- Halkan Ka Akhriso Oo Ha Yaabin Ciyaartoyda Kaydka Ku Jira Ee Daqiiqadii Mushaarka Ugu Qaalisan Fadhiga Ku Hela.

Mushaarka ciyaartoyda kubbada cagta ayaa noqday mid si waali ah sare ugu sii kacaya laakiin horyaalka Premier league ayaa noqonaya kan ugu wayn ee celcelis ahaan mushaarka ugu qaalisan siiya ciyaartoyda kooxahooda laakiin waxaaba jira ciyaartoy aan shaxaha kooxahooda boos ka haysan oo lacagta ugu badan fadhiga ku qaata.

Bishii January ee sanadkii 2018 kooxda Manchester United ayaa rekoodhka mushaar bixinta Premier league u jabisay heshiiskii ay Arsena kagala soo wareegtay Alexis Sanchez waxayna todobaadkii ku shaqaalaysiiyeen  £500,000 kun oo gini laakiin Sanchez ayaa noqday mid aan ilaa hadda boos ka haysan shaxda koxodiisa Red Devils.

Arsenal ayaa markii uu Alexis Sanchez si muran badani ku jiray kooxdeeda kaga baxay waxay go’aan ku gaadheen in ay aqbalaan dalabkii mushaarka qaaliga ahaa ee Mesut Ozil  laakiin waxa uu hadda Ozil ku biiray liiska ciyaartoyda Premier league ee fadhiga ku gurta lacag waali ah ee waliba daqiiqadiiba lacagta ugu badan ku qaatay waqtiga ay kadyka soo fadhiistaan.

Haddaba waxaanu halkan idiinku soo gudbinaynaa xog layaableh oo muujinaysa ciyaartoyda kooxaha Premier league ee kaydka ku jira balse qaata mushaar qaali ah isla markaana laga soo dhex saaray daqiiqadii ay ciyaareenba inta lacag ah ee ay shaqaysteen iyada oo inta kale kursiga kaydka awgii ku qaata.

Aan ku bilawnee Alexis Sanchez ayaa Manchester United todobaad kasta mushaar ahaan uga qaata  £500,000 kun wuxuuna ilaa hadda soo qaatay 13 milyan gini laakiin waxa uu ciyaaray 615 daqiiqo oo kaliya taas oo la micno ah in daqiiqadii uu United u ciyaarayba uu helayay  £21,138 kun gini.

Daniel Sturridge oo Liverpool ka tirsan ayaa isna todobaadkii u xaadira  £120,000 ku gini  laakiin waxa uu waqtigiisa ugu badan ku qaataa kursiga kaydka Reds isaga oo ilaa hadda helay 3.12 milyan gini kadib markii uu saftay 273 daqiiqo oo kaliya wuxuuna daqiiqadiiba soo helayay £11,429 kun oo gini.

Mesut Ozil ayaa Arsenal todobaadkii mushaar ahaan uga qaata £350,000 kun oo gini waana xidigii abid ugu mushaarka badnaa Arsenal wuxuuna haddaba shaqaystay 9.1 milyan gini isaga oo soo saftay 1057 daqiiqo taas oo la micno ah in daqiiqadii uu ciyaarayba shaqaystay £8,602 kun oo gini.

Haddaba halkan kaga bogo xogta oo dhamaystiran ee ciyaartoyda kooxaha Premier League daqiiqadaha ugu yar iyo kursiga kaydka lacagta ugu badan kaga soo helay xili ciyaareedkan.

1-ALEXIS SANCHEZ (MANCHESTER UNITED)

Mushaarkiisa Todobaadkii – £500,000

Lacagta Uu Ilaa Hadda Helay – £13m

Daqiiqadaha Uu Ciyaaray – 615

Daqiiqadiiba Lacagta Uu helay – £21,138

2-DANIEL STURRIDGE (LIVERPOOL)

Mushaarkiisa Todobaadkii – £120,000

Lacagta Uu Ilaa Hadda Helay – £3.12m

Daqiiqadaha Uu Ciyaaray – 273

Daqiiqadiiba Lacagta Uu helay – £11,429

3-MORGAN SCHNEIDERLIN (EVERTON)

Mushaarkiisa Todobaadkii – £120,000

Lacagta Uu Ilaa Hadda Helay – £3.12m

Daqiiqadaha Uu Ciyaaray – 287

Daqiiqadiiba Lacagta Uu helay – £10,871

4-MESUT OZIL (ARSENAL)

Mushaarkiisa Todobaadkii – £350,000

Lacagta Uu Ilaa Hadda Helay – £9.1m

Daqiiqadaha Uu Ciyaaray – 1057

Daqiiqadiiba Lacagta Uu helay – £8,602

4-FRED (MANCHESTER UNITED)

Mushaarkiisa Todobaadkii – £120,000

 Lacagta Uu Ilaa Hadda Helay– £3.12m

 Daqiiqadaha Uu Ciyaaray – 566

Daqiiqadiiba Lacagta Uu helay – £5,512

6-LEIGHTON BAINES (EVERTON)

Mushaarkiisa Todobaadkii – £70,000

Lacagta Uu Ilaa Hadda Helay – £1.82m

Daqiiqadaha Uu Ciyaaray – 376

Daqiiqadiiba Lacagta Uu helay – £4,840

7-OLIVIER GIROUD (CHELSEA)

Mushaarkiisa Todobaadkii – £120,000

Lacagta Uu Ilaa Hadda Helay – £3.12m

Daqiiqadaha Uu Ciyaaray – 657

Daqiiqadiiba Lacagta Uu helay – £4,749

8-FABIAN DELPH (MANCHESTER CITY)

Mushaarkiisa Todobaadkii – £90,000

Lacagta Uu Ilaa Hadda Helay – £2.34m

Daqiiqadaha Uu Ciyaaray – 725

Daqiiqadiiba Lacagta Uu helay – £3,228

9-RIYAD MAHREZ (MANCHESTER CITY)

Mushaarkiisa Todobaadkii – £120,000

Lacagta Uu Ilaa Hadda Helay – £3.12m

Daqiiqadaha Uu Ciyaaray- 967

Daqiiqadiiba Lacagta Uu helay – £3,226

10-JERMAIN DEFOE (BOURNEMOUTH/RANGERS)

Mushaarkiisa Todobaadkii – £130,000

Lacagta Uu Ilaa Hadda Helay (Bournemouth) – £2.73m

Daqiiqadaha Uu Ciyaaray – 22

Daqiiqadiiba Lacagta Uu helay – £124,091