XOG: Maxay Yihiin Todobada Arimood Ee Uu Unai Emery Isbadalka Ugu Sameeyay Kooxdii Uu Arsene Wenger La Soo Dhibtooday Ee Arsenal? Halkan Ka Akhriso Faah Faahinta Qodobadan.

Tababare Unai Emery ayaa Arsenal kusoo celiyey kaalmaha sare ee loollanka ugu jira horyaalka xili ciyaareedkan, waxaanay laba dhibcood oo kaliya ka hoosaysaa Liverpool iyo Manchester City oo wada jir hoggaanka u haya, kulankii ugu dambeeyeyna waxay Gunners 5-1 ku xasuuqday Fulham oo ay weliba marti u ahayd.

Bandhig ciyaareedkan wanaagsan ee guulaha horseeday, ayaa waxa uu ka dhashay toddoba isbeddel oo uu Unai Emery ku sameeyey kooxdii uu ka tegay Wenger ee kaalinta lixaad kaga dhamaysatay horyaalka xili ciyaareedkii hore.

Calaamadaha ka muuqda Arsenal xili ciyaareedkan bilowga ah, waxay muujinayaan inay aad uga duwan tahay kooxdii uu Wenger ka tegay, jamaahiirtuna waxay ku qabi karayaan kalsooni inkasta oo bilowgii ugu horreeyey ay walaac aan sii soconin niyadda gashadeen.

Haddaba, waxa aanu halkan idiinku soo gudbinaynaa toddoba isbeddel oo uu Emery uu ku sameeyey kooxdii uu ka dhaxlay Wenger, kuwaas oo ka caawiyey inuu kasbado quluubta taageereyaasha iyo ciyaartooyadaba.

1-Tababarka garoonka Emirates: Isbeddelka ugu horreeya ee uu Unai Emery ka sameeyey Arsenal ayaa ah in wakhti badan ay ku tababartaan garoonka Emirates iyo goomada kale ee ay martida ku yihiin, si aanay dhibaato ugu dareemin marka ay ciyaaraha tooska ah ku leeyihiin.

Alex Iwobi ayaa laga soo xigtay in marka ay garoonkooda ku samaynayaan tababarka ay uga dhigan tahay sidii ay ciyaar caadi ah ku jiraan, taasina ka caawinayso inay si fiican ula qabsadaan garoonka iyo ciyaartooyada laftooduba si wacan iskula gartaan qaabka ay isku helayaan marka ciyaar ay iskaga hor yimaaddeen kooxaha kale.

2-Emery oo isku dayaya shaxo kala duwan: Tababare Emery ayaa xili ciyaareedkan waxa uu kooxdiisa ku ciyaarsiiyey saddex shaxood oo kala duwan, kuwaas oo uu marba meel awoodda saaray, sida weerarka oo uu kordhiyey amaba dhexda oo uu kordhiyey. Tallaabadi waxay aad uga duwan tahay qaab-ciyaareedkii Arsene Wenger oo muddo 22 sannadood ah shax isku mid ah ku ciyaarsiinayey Arsenal.

Qodobada kale ka akhriso bogga 2-aad bogga 3-aad.