XOG: Maxay Yihiin Sababa Uu Tababare Zinadine Zidane Uga Daba Dhacay Paul Pogba? Halkan Kaga Boggo Qoddobo Dhawr Ah Oo Uu Zizou Ku Doortay Xiddiga Dalkiisa.

Waxa sida cad muuqata rabitaanka ay kooxda Real Madrid u muujinayso khadka dhexe ee kooxda Manchester United ee Paul Pogba kaas oo lala xidhiidhinayo inay la saxeexan doonaan tan iyo markii dib loo magacaabay tababare Zinadine Zidane.

Zidane ayaa saxaafada siiyay war culus oo ku saabsan rabitaankooda Pogba kaddib markii uu si cad u sheegay inuu yahay ciyaartoy ka duwan xiddigaha kale isla markaana awooda inuu wax badan ka sameeyo gegida dhexdeeda.

Haddaba, Iyadoo ay sidaas tahay Zizou uu ciyaartoyga amaanay sidoo kalena Pogba qudhiisu uu soo amaanay tababaraha iyo kooxdaba ayuu wargeyska ree Spain ee Marca banaanka keenay sababo dhawr ah oo khasbaya in tababare Zidane uu ka daba dhaco Pogba.

Sababahaas ayaa marka la isku soo koobo noqonaya Hoggaan, Tayo iyo Awood waana calaamado uu Zidane u arko inay ku kulmeen xiddigan ay France kazoo wada jeedaan.

Zidane ayaa asaasiyan qiimeeya hoggaaminta xiddigan waxaana cad in si shaki la’aan ah Paul u yahay mid leh shaqsiyad sidoo kalena uu qaado masuuliyada gool kulaadyada iyo qaladaadka kooxdiisa lagu galo.

Sidoo kale Pogba ayaa hoggaamiye ku ah banaanka garoonka waxaana midaas uu ku muujiyay muuqaalkii laga duubay kahor Final-kii koobkii aduunka ee 2018 markaas oo uu hadal gaaban oo dhiirigelin weyn leh siinayay safkii Les Bleus ee tartanka hantay.

Dhinaca kale tayada Pogba ayaa ah mid wali joogta maadaama oo uu jiro da’da 26 sano jir oo ah da’aha ugu wanaagsan ee ciyaartoy ku qaato waayihiisa ciyaareed.