XOG: Maxaad Ka Ogtahay 13-ka Ciyaartoy Hore Ama Hadda Ciyaara Ee Haddaba Mulkiyada Kooxo Kubbada Cagta Ah Haysta? Iyo Magacyo Lama Filaan Ah Oo Ku Jira.

4-Miami FC- Paolo Maldini 

Halyaygii hore ee xulka qaranka Italy iyo kooxda AC Milan ee Paolo Maldini ayaa hadda agaasime ah kooxdiisii hore ee Milan laakiin sidoo akle waxa uu saami boqolkiiba 50% ah leeyahay mulkiyada kooxda horyaalka heerka labaad ee Maraykanka ka dhisan ee  Miami FC.

Paolo Maldini iyo ganacsadaha dalkiisa Talyaaniga ee Riccardo Silva ayaa si wada jir ah iskaga leh mulkiyada Miami FC iyada oo boqolkiiba 50% uu saamiga kooxdan leeyahay Riccardo Silva.

Sanadkii 2016 kii ayay Miami FC ciyaartay xili ciyaareedkii ugu horeeyay waxaana tababare u ahaa xidigii ay Maldini soo wada ciyaareen ee Alessandro Nesta.

Sanadkii 2017 kii waxay Miami ku soo guulaysatay Spring iyo Fall NASL laakiin January 2018 waxay markale ku dhawaaqday in ay sameeyeen Miami FC 2 taas oo laga hirgaliyay National Premier Soccer League iyada oo waliba ciyaartoy badan oo Miami ah loo wareejiyay MImai FC 2.

Laakiin iyada oo la kansalay Fall NASL waxay kooxda Mimai FC ku jirtaa xaalad adag iyada oo la sugi doono sida ay noqon doonto xaalada mulkiyada Maldini.