XOG: Maxaad Ka Ogtahay 13-ka Ciyaartoy Hore Ama Hadda Ciyaara Ee Haddaba Mulkiyada Kooxo Kubbada Cagta Ah Haysta? Iyo Magacyo Lama Filaan Ah Oo Ku Jira.

Dhawaan halyaygii hore ee xulka qaranka England ee David Beckham ayaa shaaciyay magaca kooxdiisa cusub ee Inter Miami CF taas oo uu muddo afar sanadood ah ka soo shaqaynayay in uu ka hirgaliyo horyaalka dalka Maraykanka ee MLS wuxuuna ugu danbayn diyaarinayaa dhamaystirka mashruuciisa.

Laakiin waxaa haddaba jira ciyaartoy badan oo caan ka ah kubbada cagta aduunka oo iska leh mulkiyada kooxo badan oo kubbada cagta ah kuwaas oo ay si khaas ah u leeyihiin ama ay saami ku leeyihiin waxaana ka mid ah ciyaartoy hadda qayb ka ah kooxaha kubbada cagta Yurub.

Haddaba shabakada Gool24 ayaa halkan idiinku soo gudbinaysa xogta ciyaartoyda caanka ka ah kubbada cagta aduunka ee haddaba yeeshay mulkiyada kooxo kubbada cagta ah kuwaas oo ay suurtogal tahay in qaar ka mid ahi ay layaab kugu noqoto.

Haddaba halkan kaga bogo xogta aanu idiinka diyaarinay ciyaartoyda caanka ah ee haddaba iska leh mulkiyada kooxo kubbada cagta ah.

6- Phoenix Rising – Didier Drogba

Halyaygii hore ee xulka qaranka Ivory Coast iyo kooxda Chelsea ee Didier Drogba oo waqti cajiib ah ku soo qaatay kubbada cagta ayaa April 12,2017 kii waxa uu si xor ah ugu biiray kooxda Phoenix Rising laakiin kadib waxa uu Drtogba saami ama share ka iibsaday isla kooxda uu ciyaartoy ahaan uga tirsanaa.

Waxaa mulkiyada kooxdan Drogba ku weheliya xidigaha Baseball-ka ee Brandon McCarthy, DJ iyo soo saaraha Diplo si la mid ah ninka heesaha sameeya ee  Pete Wentz.

Kooxda uu Drogba saamiga ku leeyahay ee Phoenix Rising ayaa xili ciyaareed cajiib ah soo qaadatay 2018 waxayna kaalinta saddexaad kaga soo dhamaysatay kala saraynta Western Conference Standings iyada oo kaalinta kowaad u jirtay laba dhibcood oo kaliya taas oo keentay in ay qayb ka noqoto kulamada Play-offka.

Kooxda Drogba waxaa sanadkii 2017 kii ka soo ciyaaray xidigii hore ee xulka qaranka England iyo kooxda Manchester City ee Shaun Wright-Phillips waxayna hadda u muuqataa in kooxda Drogba ee Phoenix Rising ay horumar wayn ku talaabsanayso.

Eeg Bogga 2-aad ilaa 6-aad.