XOG: Maxaa Kasoo Cusboonaday Xaalada Dhaawac Kasoo Kabasho Ee Harry Kane? Miyay Kor U Kacday Fursada Uu Kaga Hortagayo Liverpool Final-ka CL?

Waxa ay xog cusubi kasoo baxaysaa xaalada dhaawac kasoo kabasho ee weeraryahanka kooxda Tottenham ee Harry Kane kaas oo dadaalo dheeri ah u bixinaya sidii uu taam buuxa ugu noqon lahaa Final-ka Champions League.

Marka laga yimaado in Tottenham ay ciyaarayso Final-ka Champions League dhinaca kale xulka England ee uu kabtanka u yahay Kane ayuu kusoo wajahan yahay kulanka muhiimka ah ee Final-ka League of Nations.

Tababaraha xulka England ee Gareth Southgate oo liiska xiddigahiisa ee Final-ka tartankaas shaacinaya berri oo Khamiis ah waxaana uu xidhiidh la sameeyay Kane qudhiisa iyo kooxdiisa Tottenham isaga oo ka waraystay xaalada xiddiga.

Maamulka Spurs ayaa la aaminsan yahay inay tababaraha u sheegeen inuu Kane u xulan karo kulankaas liiskiisana ku darsan karo taas oo la micno ah inuu sidoo kale fursad weyn u haysto Final-ka Champions League.

Kane ayaa dhaawacan la maqnaa tan iyo kulankii ay Champions League ku wajaheen Manchester City wareegii siddeed dhammaadka balse wararka ayaa sheegaya inay ka go’antahay ka qayb qaadashada kulamada kooxdiisa iyo xulkiisa ee June.

Kane ayay kaameradu qabatay isaga oo si wanaagsan u ordaya intii lagu jiray dabaaldegii kulankii ay kasoo gudbeen Ajax, Waxa la filayaa inuu kubadda ku shaqayn doono dhammaadka toddobaadkan midka xigana uu bilaabi doono orodka dheer.

Tababare Southgate ayaa la filayaa inuu marka hore magacaabo liis dheer oo hadhaw la kala xuli doono isaga oo sidoo kale isha la raacaya Harry Winks oo isla Tottenham ka tirsan lana filayo inuu kasoo kabto dhaawacii gumaarka ee qaliinka loogu sameeyay.