XOG: Liverpool, Man United, Chelsea, Man City, Arsenal, Tottenham- Midkee Ay Ciyaartoydeedu Safarka Ugu Dheer Galeen? Waa Sidee Xogta Kulamada Ay Kooxahani Ciyaareen Marka Fasaxa Caalamiga Ah Laga Soo Laabto?

Waxaa dhawaan la soo gaba gabeeyay kulamadii caalamiga ahaa ee kowaad ee xili ciyaareedkan waxayna kooxaha Premier league dib u heleen ciyaartoydii ka soo qayb gashay kulamadii xulalka qaramada aduunka.

Kooxdee ayay ciyaartoydeedu safarka ugu dheer galeen oo ay saamayn xun ku yeelan kartaa kulamada shanaad ee Premier League? Waa sidee xogta tobankii jeer ee kulamada caalamiga ah loo baxay ee kooxaha Premier league?

Sawirka soo koobaya xogta lixda kooxood ee Premier leauge ugu waa wayn, safarka ciyaartoydooda iyo celcelis ahaan dhibcihii ay soo heleen 10 kii jeer ee ugu danbaysay

Shabakada Gool24 ayaa halkan idiinku soo gudbinaysa xog ka jawaabaysa labada su’aalood ee hore kuwaas oo aad ku ogaan karto kooxaha waa wayn ee Premier League mid kastaba safarka ay ciyaartoydeedu galeen kulamadii caalamiga ahaa iyo waliba xogtii kulamadii hore ee caalamiga ahaa.

Wax sahlan ma aha in kooxaha kubbada cagtu ay soo dhaweeyaan ciyaartoyda kooxahooda ee safarada dhaadheer u galay kulamada caalamiga ah, waana arin marar badan keenta in xidigo ay seegaan shaxaha kooxahooda.

Haddaba halkan kaga bogo kooxaha waa wayn ee Premier league, safarkii ay ciyaartoydoodu ku socdeen kulamadii caalamiga ahaa iyo xogta tobankii jeer ee ugu danbeeyay ee kulamo caalami ah loo baxay.

CHELSEA:

Chelsea waxay ciyaartoyda kooxdeedu ku safreen 37,592 mayl intii lagu jiray kulamadii caalamiga ahaa ee la soo gaba gabeyay. Tobankii jeer ee ugu danbeeyay ee kulamada caalamiga ah loo baxay, waxay kadib Chelsea soo heshay 1.7 dhibic kulankiiba waana kooxda shanaad iyada oo ay afar kooxood ka fiican yihiin.

  • Fogaanta Ay Ciyaartoydeedu Safreen = 37,592 mayl
  • Xogta kadib Bandhigii Tobankii Jeer ee kulamada caalamiga ah ugu danbeeyay , 1.7 dhibic kulankiiba(kaalinta 5-aad shanaad)

Marka laga yimaado Christian Pulisic oo u safray kulankii USA iyo Mexico waxay inta kale ee ciyaartoyda Chelsea ay kulamadii caalamiga ahaa ku soo qaateen Yurub oo ay kaga qayb galeen Euro 2020.

Jorginho iyo Emerson waxay qayb ka ahaayeen kulamadii Italy ee ay la ciyaareen Armenia iyo Finland, Olivier Giroud iyo Kurt Zouma waxay France ku mataleen Euro2020.  Chelsea waxaa xulka England ugu jiray Ross Barkley iyo Mason Mount.

Marka la eego lixda kooxood ee waa wayn iyo safarka ay ciyaartoydoodu galeen, ayay Chelsea noqotay kooxda ay xidigaha kooxdeedu fogaanta ugu yar ku safreen iyada oo arintani ka caawin karto kulanka adag ee Molineux ee Wolves.

Riix 2,3,4 5 si aad xogta oo dhamaystiran u akhrisato.