XOG: Lix Arimood Oo Laga Bartay Gumaadkii Ay Man United U Gaysatay Chelsea Iyo Qodobadii Looga Hadlay Kulankan.

Manchester United ayaa ilaa hadda ku raaxaysanaysa guushii waynayd ee ay ugu bilawdeen xili ciyaareedka cusub, waxaana maalmaha soo socda ay ku sii faraxsanaan doonaan qaabkii ay Chelsea ugu karbaasheen Old Trafford.

Manchester United ayaa guul wayn oo 4-0 ah ka gaadhay Chelsea waxaana jiray ilaa lix arimood oo looga hadlay guushii United iyo waliba xasuuqii Chelsea soo gaadhay.

Halkan kaga bogo qodobadii looga hadlay kadib guushii ay United ka gaadhay Chelsea iyo qodobadii ugu muhiimsanaa ee looga hadlayay.

1. Lampard Waxa Uu kaga Dhabeeyay Hadalkiisii Hore.

Markii uu soo laabtay Stamford Bridge tababaraha cusub ee Blues waxa uu cadeeyay inuu fursad siin doono xilli ciyaareedkan ciyaartoyda da’da yar.

SIDOO KALE AKHRISO:  Waakee Halka Ciyaartoy Ee Ay Taageerayaasha Man United Dalbadeen In Kulanka Caawa Ee Chelsea Uu Solskjaer Shaxdiisa Ku Soo Bilaabaa?

Waa uu ka soo baxay balantii uu qaaday isagoo xiddigo da’ yar ku soo bilaabay kulankii Man United oo laga xusi karo Mason Mount iyo Tammy Abraham.

Abraham ayaana daqiiqadii 4aad ku dhawaaday inuu shabaqa soo taabto markii uu birta u garaacay David de Gea, laakiin waxaa ugu danbeyn aamusiyay Harry Maguire iyo xirtiisa.

Dhanka kale Mount wacdarro ayuu dhigayay qeybtii hore isagoo bilaabayay kubadaha rogaalcelisla ah waxa uu xitaa dhowr jeer tijaabiyay De Gea ka hor inta uusan dhumin qeybtii labaad.

Laakiin kulan sidaan u weyn waxa ay aheyd in Lampard uu adeegsado ciyaartoy khibrad leh iyadoo kursiga keydka ay fadhiyeen Alonso, Kante oyo Giroud.

SIDOO KALE AKHRISO:  Miyaa Romelu Lukaku Lagu Soo Daray Kooxda Man United Ee Axada La Ciyaareysa Chelsea Horyaalka Premier League?

2. Ole Gunnar Solskjaer Waxa Uu Xaliyay Dhibaatadii Difaac ee Kooxdiisa.

Labo ka mid ah saxiixyadii Solskjaer uu sameeyay xagaagan ayaa ku soo bilowday shaxdii ay kala hortageen Chelsea.

Aaron Wan-Bisskaa iyo Harry Maguire, waxaana ay soo bandhigeen in yar oo ka mid ah waxa laga filan karo Man United sannadaha soo socda.

Wan-Bissaka waqti yar ayay ku qaadatay inuu soo bandhigo awoodiisa. Daqiiqad ayay ku qaadatay isagoo meel saaray Emerson ka hor inta uusan kubada halista ka dheereyn.

Maguire ayaa isna si fiican u la qabsaday daafaca muuqaalka cusub ee United, waxaana uu xiddiga England si fiican u agaasimayay wadnaha daafaca.

3. Rekoodhayaasha United Waxaa Qaadan Doona Marcus Rashford

Bilowgii ciyaarta Man United neefta ayaa ku dheganeyd ilaa iyo ay heleen fursad ay hogaanka ku qabtaan markii uu Zouma qalad ku galay Rashford.

SIDOO KALE AKHRISO:  "Wuxuu Lahaa Dabo Weyn" - David Moyes Oo Sharaxay Sababtii Uu U Diiday Inuu La Soo Wareego Harry Maguire Markii Uu Ahaa Macalinka Man United

Weeraryahanka England ayaa u soo joogsaday tuurista rigoorada isagoo hogaanka u dhiibay United inkastoo waqtigaas ay gacan sareysay Chelsea.

Goolka furitaanka ayaana la micno ah in Rashford uu haatan dhaliyay dhamaan afartii rigoore ee uu tartan rasmi ah u tuuray kooxdiisa iyo wadankiisa oo ay ku jirto kulamada rigoorooyinka lagu kala baxay.

Marka la eego nasiibdarrada England ka qabsan jirtay dhanka rigoore tuurista mudadii sannadaha aheyd, waxa uu muhim u noqon karaa Three Lions sannadaha soo socda.

Riix 2 aad si aad xogtan u sii akhrisato.