XOG: Finalada Champions League & Europa League- Kulamadii Ay Kooxaha Iskugu Soo Baxay Soo Wada Ciyaareen Iyo Xog Aad U Baahan Tahay In Aad Ogaato.

Markii ugu horaysay taariikhda afar kooxood ee Ingiriis ah ayaa xili ciyaareedkan iskugu soo hadhay finalada tartamada kooxaha Yurub ee UEFA Champions League iyo UEFA Europa League taas oo la micno ah in ay hubaal tahay in labadan koob ay England iman doonaan dhamaadka xili ciyaareedkan.

Haddaba shabakada Gool24 oo aad uga barateen warbixino faah faahsan oo dhamaystiran ayaa markale halkan idinkula wadaagaysa xog buuxda oo la xidhiidha finalada Europa League ee Arsenal iyo Chelea si la mid ah finalka Champions League ee Liverpool iyo Tottenham.

Warbixintan ayaa ah mid aanu dhinacyo badan ka eegnay waxaana ka mid ah taariikhda ay isku leeyihiin Liverpool-Tottenham iyo Chelsea-Arsenal, kulamadii ay Yurub ku soo wada ciyaareen, dariiqii ay finalada tartamadan u soo mareen iyo waliba xog dheeraad ah.

Min dhamaadkii xili ciyaareedkii hore wixii ka danbeeyay waxaa jiray dariiq dheer oo loo soo maray in la soo gaadho finalka UEFA Europa League laakiin Arsenal iyo Chelsea ayaa noqday labada kooxood ee finalkan iskugu soo hadhay.

Finalka UEFA Europa League waxa uu xili ciyaareedkan noqday mid xiiso badan oo London Derby ah isla markaana ay ku dagaalamayaan kooxaha Chelsea iyo Arsenal.

Chelsea oo haddaba xaqiijisatay booskeeda afarta kaalmood ee Premier league ugu sareeya iyo in ay soo baxday Champions League ayaa doonaysa in ay koobkan xili ciyaareedkeeda ku sii qurxiso.

Laakiin Arsenal waxa uu finalka Europa League u yahay guul ama geeri waana fursada kaliya ee ay ugu soo bixi karaan Champions league. Unai Emery oo taariikh layaableh ku haysta Europa League ayaa ah rajada ugu way nee ay Gunners dheertay Blues.

Waa Sidee Rekoodhka Fool-ka-Foolka Ah Ee Chelsea Vs Arsenal?

Arsenal iyo Chelsea waqti dheer ayay ku soo tartamayeen heerka ugu saraysa kubbada cagta England waxayna kulankoodii ugu horeeyay wada ciyaareen sanadkii 1907 kii.

Guud ahaan Arsenal iyo Chelsea ayaa soo wada ciyaaray 197 kulan oo tartamada oo dhan ah, waxaana gacanta sare haysata Arsenal oo 77 jeer garaacday Blues.

Chelsea ayaa 63 jeer guudaro baday Arsenal hala 57 kulan ay barbaro soo galeen kooxaha reer London ee Gunners iyo Blues oo finalka Europa League ku balansan.

Xili ciyaareedkan waxay Chelsea iyo Arsenal soo wada ciyaareen laba Kulan iyada oo kulankii Stamford Bridge ay Blues guul 3-2 ah ka gaadhay Arsenal laakiin kulankii horaantii sanadkan ee Emirates Stadium ayay Gunners ku aarsatay guul 2-0 ahayd.

Chelsea iyo Arsenal ayaa min laba jeer soo gaadhay finalka UEFA Cup/UEFA Europa League waxayna markii ugu danbaysay ee ay Chelsea finalka soo gaadhay ahayd sanadkii 2013 kii oo ay Benfica koobka kaga qaaday 2-1.

Arsenal ayaa iyaduna soo gaadhay laba jeer oo finalka UEFA Cup/UEFA Europa League ah waxayna markii ugu danbaysay ee ay finalka tartankan soo gaadhay ahayd sanadkii 2000 kii markaas oo ay kooxda  Galatasaray barbaro gool la’aan ah isku dhaafi waayeen balse ay  Galatasaray rekoodhayaal 4-1 ah guul ku gaadhay.

Riix 2,3,4,5,6 Si Aad Xogta Cajiibka Ah ee finalada Yurub Uga Bogato

8 Comments

  1. Liverpool 3 Vs 1 Tottenham
    Chelsea 3 Vs 1Arsenal

    Liverpool 1 vs 2 Chelsea

    Chelsea will be victory

  2. LIVERPOOL VS TOTENHUM 3-2

    CHELSEA VS ARSENAL 1-3

    FINALKA ISTANBUL KA DHICI DONA WAXAA IMANAYA LIVERPOOL VS ARSENAL

    LIVERPOOL AYAANA QAADAYSAA WAXAAN AHAY TAAGERO REAL MADRID AHAY SADASHYADU WATAA

  3. Waxaa magaalada Istanbul iskuarkaya labada kooxood eee kala AH

    LIVERPOOL 2 vs 0 ARSENAL

    LIVERPOOL baaana labadan Koooba waa
    CHAMPIONS LEAGUE IYO SUPER CUPKA
    ANFIELD KASOO DAJIN DOONTA INSHA ALLAH

    Haduu ilaaHay YiraaHdo

  4. Liverpool vs Tottenham 2 :1
    Arsenal vs Chelsea 2:2 waxaana rikoodhe ku adkaanaysa Arsenal
    Sidaas ayaa filayaa anoo Ah taageri Arsenal ah

  5. Liverpool 2 vs 1 Spur insha Alllah
    Arsenal 3 vs 1 Chelsea insha Allah
    Istanbul liverpool 3vs 1 Arsenal insha Allah

Comments are closed.