XOG: Lacagaha Ay Kooxaha Waa Wayn Ee Premier League Ka Heleen Xili Ciyaareedkan Oo La Shaaciyay-Kooxdee Ugu Saraysa?

Waxaa faah faahin dheeraad ah laga bixiyay lacagaha kala duwan ee ay kooxaha Premier league xili ciyaareedkanka heleen qaybaha kala duwan ee dakhli soo saar kooxda.

Kooxaha Premier league ayaa lacago badan oo kala duwan ku hela xuquuqda baahinta tooska ah, tikidhada taageerayaasha ee garoomadooda ciyaaraha ku daawada iyo hawlaha ganacsi ee ay ku jiraan oo ay maaliyadu ka mid tahay.

Haddaba waxaanu halkan idiinku soo gudbinaynaa lacagihii ay kooxaha waa wayn ee Premier league xili ciyaareedkan heleen iyo qaybihii ay lacagtani uga soo hoyatay iyada oo kala duwanaansho uu jiro.

Tirada kulamadii koox kastaaba ay xili ciyaareedkan nasiibka u yeelatay in kooxdeeda si toos ah loogu baahiyay ayaa ah waxyaabo keenay in kooxuhu ay lacago kala duwan ku heleen.

Kooxda koobka Premier league ku guulaysatay ee Man City ayaa si wayn loogaga sareeyaa dakhliga lacagtii ay kooxaha Premier league ka heleen baahintii tooska ahayd ee kulamada horyaalka Ingiriiska.

Liverpool ayaa noqotay kooxda lacagta ugu badan ka heshay baahintii tooska ahayd ee TV-ga xili ciyaareedkan iyada oo Reds ay si wayn uga horayso kooxdii koobka ka qaaday.

Haddaba halkan kaga bogo lacagtaha ugu muhiimsan ee ay xili ciyaareedkan heleen kooxaha waa wayn ee Premier league:

Lacagaha Ay Arsenal Xili Ciyaareedkan Heshay

Arsenal ayaa noqotay kooxda labaad ee Premier league lacagta ugu badan ka heshay tikidhada iyo lacagta garoonkeeda lagu galo iyada oo Gunners 99 milyan gini oo dakhli ah ku heshay.

Arsenal ayaa 107 milyan gini ka heshay hawlaha ganacsi ee ay kooxdeedu ku jirto halka ay 180 milyan gini ku heshay baahinta tooska ah ee kulamadii kooxdeedu ciyaartay ee Premier League.

Dakhliga Kulan ku Galkii Kooxdeeda: £99m

Lacagta Baahinta TV -ga £180m

Dakhliga ganacsi £107m

 

Lacagaha Ay Tottenham Xili Ciyaareedkan Heshay

Tottenham ayaa aad uga hoosaysa kooxda ay xifiltamaan ee Arsenal waxayna Spurs kulan ku galka garoonka kooxdeeda xili ciyaareedkan ku heshay  71 milyan gini halka ay baahinta ka heshay 148 milyan gini.

Dakhliga Kulan ku Galkii Kooxdeeda: £71m

Lacagta Baahinta TV -ga £148m

Dakhliga ganacsi £109m

 

Riix 2,3  si aad xogta oo dhamaystiran u akhrisato