Waa Kuma Bruno Fernandes? Khadka Dhexe Ee 50-Gool Xili Ciyaareedkan Soo Dhaliyay Ee Frank Lampard La Barbar Dhigayo Ee Premier League Duufaanta Ku Qabsan Doona.

Magaca Bruno Fernandes aya si layaableh uga soo dhex baxay kubbada cagta dalka Portugal wuxuuna hadda noqday mid si deg deg ah aduunka looga baranayo kaas oo waliba leh astaamo layaableh.

Bruno Fernandes ayaa lagu sifeeyay Frank Lampard-ka cusub kaas oo ay kooxaha Manchester City iyo Machester United ku dagaalamayaan.

Bruno Fernandes waxa uu xili ciyaareedkan meel iska saaray ciyaartoyda magaca waa wayn ee dhamaan horyaalada Yurub ugu waa wayn kadib markii uu sameeyay wax qabad layaableh.

Haddaba wax ka barro Bruno Fernandes oo lagu tilmaamayo Lampard-ka cusub ee qaabka duufaanta ah ku qabsan doona haddii uu Premier league yimaado.

Aan ku bilawnee, Bruno Fernandes oo aan sanadkan ka hor magiciisa lagu arag shaashadaha kubbada cagta ayaa si layaableh u soo awooday in uu 33 gool ku soo lug yeeshay kulamadii horyaalka Portugal ee xili ciyaareedkan.

Bruno Fernandes waxa uu isaga oo khadka dhexe ka ciyaarayay soo dhaliyay 20 gool wuxuuna soo sameeyay 13 gool caawin oo horyaalka Primeira Liga ee dalka Portugal ah.

Laakiin Bruno Fernandes ayaa si layaableh u soo awooday in uu 50 gool oo tartamada oo dhan ah xili ciyaareedkan ku soo lug yeeshay ee kulamadii Sporting ciyaartay waana 33 gool iyo 17 gool caawin uu soo sameeyay.

Heerka gool dhalintan ee ciyaartoy khadka dhexe ah waxaa lagu xusuusan karaa Frank Lampard kaas oo ilaa hadda ah halyayga ugu gool dhalinta badan Chelsea isaga oo waliba khad dhexe ahaa.

Laakiin arinta layaabka leh ee uu sameeyay Bruno Fernandes ayaa ah in uu ka qayb qaadashada gool dhalinta xili ciyareedkan kaga ohreeyo ciyaartoy kasta oo khadka dhexe ah oo ka ciyaara horyaalada England, Spain, Germany, France, Portugal iyo Netherlands.

Arinta kale ee raacda ayaa ah in Bruno Fernandes uu hal gool oo kaliya ka hooseeyo xidiga kooxda Benfica weerarka uga ciyaara ee Haris Seferovic kaas oo gool dhalinta horyaalka Portugal hogaaminaya.

Halkuu ka soo baxay Bruno Fernandes si uu heerkan cajiibka ah u soo gaadho?

Bruno Fernandes waxa uu inta badan waayihiisii carruurnimo ku soo qaatay Boavista laakiin sanadkii 2012 kii waxa uu u wareegay dalka Talyaaniga halkaas oo uu waqtiyo ku soo qaatay kooxaha Udinese iyo Sampdoria.

Muddadii uu Bruno Fernandes joogay kooxaha Udinese iyo Sampdoria ee horyaalka Talyaaniga waxa uu soo dhaliyay 48 gool halka uu soo sameeyay 37 gool caawin isaga oo kooxahan u saftay 107 kulan.

Laakiin Fernandez ayaa sanadkii 2017 kii waxa uu ku soo laabtay dalkiisa Portugal isaga oo Sporting ugu soo biiray £8.5 milyan gini oo kaliya.

Laakiin hal sano kadib waxa uu ka mid ahaa ciyaartoy kansalay heshiiskii ay Sporting kula jireen oo kooxda iskaga dhaqaaqay laakiin markii uu iscasilay madax wayne Bruno de Carvalho waxa uu Bruno Fernandes dib ugu soo laabtay kooxdiisa Sporting.

Markii uu soo laabtay Bruno Fernandes waxaa laga saxiixay heshiis cusub oo shan sanadood ah kaas oo lagu burburin karo 100 milyan yuro taas oo ah lacagta ay kooxaha reer Mancheser ku heli karaan adeega xidigan layaabka leh.

Heerka gool dhalinta iyo gool caawinta uu Bruno Fernandes soo muujiyay waxay keentay in la barbar dhigo Frank Lampard kaas oo xili ciyaareedkiisii ugu fiicnaa ee Chelsea soo dhaliyay 27 gool wuxuuna ahaa rekoodh uu 2009/2010 kii Yurub u dhigay balse uu Fernandez uu hadda gaadhay.

Man City Iyo Saamaynta Layaabka Leh Ee Uu Bruno Fernandes ku yeelan karo;

Pep Guardiola waxa uu leeyahay ildheeri layaableh wuxuuna si fiican u fahmaa ciyaartoyga kooxdiisa heerka xiga u sii qaadi kara, waana sababta uu sida wayn ugu doonayo in uu Burno Fernandes keeno Etihad Stadium.

Laakiin waxaa la filayaa in haddii ay Man City ku guulaysato saxiixa Bruno Fernandes in uu saamayn layaableh ku yeelan doono maadaama oo uu ku haboon yahay hanaanka ciyaareed ee Guardiola ee Man City.

Inkasta oo ay Man United doonayso in ay isku daydo sidii ay Man City uga joojin lahayd saxiixa Fernandes, haddana xaalada ay United ku jirto iyo inay Champions League ka maqan tahay ayaa dhaawaca ugu wayn ku ah.

Qiimo Intee Leeg Ayay Sporting Ku Fasixi Kartaa Bruno Fernandes?

Inkasta oo ay Sporting heshiiska Bruno Fernandes ku dartay qodob sheegaya in lagu burburin karo 100 milyan gini, haddana waxaa la fahansan yahay in ay dhegaysan karaan dalabyo u dhexeeya £40m-£85 milyan gini

Manchester City ayaa doonaysa in ay suuqa galiso lacag ka badan 200 milyan gini waxaana la filayaa in kala badh lacagtan uu Guardiola ku kharash garayn doono Bruno Fernandes kaas oo City ka sii dhigi kara koox ay adkaan doonto in guul laga gaadhaa.