XOG: Kooxdee Dhibcaha Ugu Badan Ka Heshay Kulamada LIXDA Kooxood Ee Waaweyni Ku Kulmeen Premier League? Akhriso Miis Kala Sarreyn Ah Oo Kulamada Dhexdooda Laga Sameeyay.

Advertisements

Horyaalka Premier League ayaa u muuqda mid haatanba qaabaysmay iyadoo ay kala baxeen kooxaha horyaalka u tartamaya, Kuwa hankoodu yahay afarta sarre iyo kuwa doonaya inay ugu yaraan ka badbaadaan boosaska horyaalka lagaga dhaadhaco.

Marka laga yimaado miiska kala sarreynta horyaalka ee caadiga ah, Xilli ciyaareed kasta waxa jira horyaal hoosaad laga sameeyo kulamada ay si fool ka fool ah uwada ciyaareen lixda kooxood ee ugu waaweyn Premier League.

Waxaanu halkan idiinku soo gudbin doonaa sida uu noqon lahaa haddii ay lixdaas kooxood iyagu dhexdooda horyaal ciyaari lahaayeen kulamada ay is arkeen iyo cida haatan hoggaanka u hayn lahayd.

Manchester United oo xilli ciyaareedkan ka dhalaalaysa kulamada waaweyn ayaa ah kooxda booska koowaad ku jirta iyagoo kaddib shan kulan oo ay ciyaareen leh 13 dhibcood isla markaana kaliya dhibco lumiyay kulankay bar-bardhaca la galeen Liverpool.

Reds ayaa iyaguna booska labaad ah kaddib shan kulan, Walow ay dhibcaha 13-ka dhibcood ah la wadaagaan Man United haddana waxa ay booska labaad ku galeen inay farqi shan gool ah leeyihiin kulamada lixda waaweyn halka United ay toddoba leedahay.

Leicester City ayaa booska saddexaad ku jirta iyagoo leh afar dhibcood kaddib afar kulan halka farqigooda goolashu yahay -1 oo hal gool iyaga lagu leeyahay waxaana dhibcahaas la wadaagtay City oo qudheedu afar dhibcood leh balse -4 goolal ah ku jirta kaddib afar kulan.

Tottenham iyo Chelsea ayaa boosaska shanaad iyo lixaad ku kala jira kaddib min afar kulan oo ay kulamada lixda waaweyn ka ciyaareen iyagoo min hal dhibic leh isla markaana Tottenham farqigeeda goolashu yahay -3 halka Chelsea uu -6 ka yahay.

Advertisements

FG: Arsenal ayaan gabi ahaanba ka muuqanin liiskan waxaana booskooda lixda sarre la galiyay kooxda wacdaraha dhigaysa ee Leicester City.

Advertisements