XOG: Kadib In UEFA Ay Ku Dhawaaqday Musharixiinta Abaal Marinaha Goolhayaha, Difaaca, Khadka Dhexe Iyo Gool Dhaliyaha Yurub Ugu Fiican, Wax Ka Ogow Xogta Ay Ku Tartamayaan Xidigani Ee Guushan U Horseedi Karta.

Sidii aanu idiin soo gudbinay xidhiidhka kubbada cagta Yurub ee UEFA ayaa soo saaray liiska musharixiinta boos kasta ugu fiican Yurub ee abaal marinaha xili ciyaareedkii la soo dhaafay, waxayna UEFA ku dhawaaqday kooxda ugu fiican ee laga soo saaray ciyaartoydii ugu bandhiga fiicnayd xili ciyaareedkii dhamaaday.

Si kooxdii ugu fiicnayd xili ciyaareedkii hore loo soo xulo waxaa  loo soo saaray saddex goolhaye, saddex difaac, saddex khadka dhexe ah iyo saddex gool dhaliye laakiin codbixin ayaa lagu go’aamin doonaa afarta xidig ee abaal marinaha shaqsiga ah lagu gudoonsiin doono magaalada Monaco marka isku aadka Champions League la samaynayo August 30.

Haddaba shabakada Gool24 ayaa qormadan ku eegaysa xogta ciyaartoy kasta oo ka mid ah liiska musharixiinta abaal marinaha boosaska kubbada cagta Yurub ee xili ciyaareedkii la soo dhaafay ee 2017/18 iyada oo UEFA ay sanadkii hore soo kordhisay in la abaal mariyo goolhayaha, difaaca, khadka dhexe iyo goolhayaha xili ciyaareed kasta ugu fiican.

Haddii aanad hore u akhrisan warbixintii aanu idiinku soo gudbinay liiska musharixiinta ay UEFA ku dhawaaqday waxaad markale ka heli kartaa dhamaadka warbixintan si aanu dib idiinku xusuusino laakiin aan marka hore soo qaadno liiska oo kooban iyo wax qabadkii ay ku mutaysteen in ay musharixiin ka noqdaan UEFA.

Haddaba halkan kaga bogo Xogta Ciyaartoy Kasta oo Ku Soo Baxay Musharaxnimada UEFA ee Lagu Soo Dooranayo xidigaha boos kasta ugu fiicnaa xili ciyaareedkii dhamaaday ee 2017/18.

Fiiro Gaar Ah: Xogtani waxay gaar u tahay oo ay ku kooban tahay xogtii laga diwaan galiyay kulamadii Champions League ee xili ciyaareedkii la soo dhaafay.

Goolhayayaasha:

Alisson Becker (Roma/Liverpool)
Kulan: 12
Daqiiqo: 1,080
Shabaq nadiif ah: 5
Goolasha Laga Dhaliyay: 19

Gianluigi Buffon (Juventus/PSG)
Kulan: 9
Daqiiqo: 810
Shabaq nadiif ah: 2
Goolasha Laga Dhaliyay: 12

Keylor Navas (Real Madrid)
Kulan: 11
Daqiiqo: 990
Shabaq nadiif ah: 2
Goolasha Laga Dhaliyay: 13

Difaacyada

Marcelo (Real Madrid)
Kulan: 11
Daqiiqo: 958
Shabaq nadiif ah: 3
Goolasha Laga Dhaliyay: 13
Goolasha Uu dhaliyay: 3
Gool Caawinta: 3

Sergio Ramos (Real Madrid)
Kulan: 11
Daqiiqo: 990
Shabaq nadiif ah: 2
Goolasha Laga Dhaliyay: 13
Goolasha Uu dhaliyay: 1
Gool Caawinta: 0

Raphaël Varane (Real Madrid)
Kulan: 11
Daqiiqo: 938
Shabaq nadiif ah: 2
Goolasha Laga Dhaliyay: 13
Goolasha Uu dhaliyay: 0
Gool Caawinta: 1

Khadka Dhexe

Kevin De Bruyne (Manchester City)
Kulan: 8
Daqiiqo: 667
Goolasha Uu dhaliyay: 1
Gool Caawinta: 4

Toni Kroos (Real Madrid)
Kulan: 12
Daqiiqo: 952
Goolasha Uu dhaliyay: 0
Gool Caawinta: 3

Luka Modrić (Real Madrid)
Kulan: 11
Daqiiqo: 958
Goolasha Uu dhaliyay: 1
Gool Caawinta: 1

Gool Dhaliyaasha:

Lionel Messi (Barcelona)
Kulan: 10
Daqiiqo: 783
Goolasha Uu dhaliyay: 6
Gool Caawinta: 2

Cristiano Ronaldo (Real Madrid/ Juventus)
Kulan: 13
Daqiiqo: 1,170
Goolasha Uu dhaliyay: 15
Gool Caawinta: 3

Mohamed Salah (Liverpool)
Kulan: 13
Daqiiqo: 929
Goolasha Uu dhaliyay: 10
Gool Caawinta: 5

Halkan kaga bogo warkii aanu hore idiinku soo gudbinay musharixiinta ay UEFA soo saartay ee August 30 la abaal marin doono xidigaha guulaysta. Liiska Musharixiinta UEFA ee xili ciyaareedka ugu fiican.

Haddaba akhriste marka aad qab kasta aragtay xogta lagu soo xulay, goolhayayee, difaacee, khadkee dhexe iyo gool dhaliyahee ayaad booas kasta u soo xulan lahayd?.

1 Comment

Comments are closed.