XOG: Kaddib Wararka Sida Xoogan Ula Xidhiidhinaya Ku Laabashada Barcelona, Maxay Yihiin Saddexda Sababood Ee Neymar JR Kahor Istaagi Kara Inuu Markale Xidho Maaliyada Barca?

Garabka kooxda Paris Saint-Germain iyo xulka Brazil ee Neymar JR ayuu markale mustaqbalkiisu cirka galay maalmihii ugu dambeeyay kaddib markii ay soo baxeen warar sheegaya inuu dib ugu laabanayo kooxdiisii hore ee Barcelona.

Wargeyska SER oo ah midka ugu horreynba sheekadan faafiyay ayaa sheegaya in Neymar uu heshiis la gaadhay madaxa PSG ee Nasser El-Khellaifi iyaga oo isku af-gartay inuu kooxda kaga bixi karo xagaaga soo socda qiimo 220 Milyan ah.

Haddaba, Iyada oo ay wali jirto in jamaahiirta Blaugrana ay cadho weyn u hayaan 26 jirkan oo qaab ixtiraam la’aan ah kaga baxay kooxdooda waxaan halkan ku eegi doona saddex qoddob oo waaweyn oo Barcelona kahor istaagi kara dib ula soo saxeexashada Neymar.

1: Xidhiidhka xun ee ka dhexeeya Barcelona iyo Paris Saint-Germain

Xidhiidhka u dhaxeeya labadan kooxood ayaa ahaa mid aad u liita sanadihii ugu dambeeyay, Paris ayaa u muuqata mid aan marnaba ogolayn in xiddig kooxdeda u ciyaaray uu xidhi maaliyada Barca kaddib markii ay uga dhaaratay saxeexyada Verrati, Di Maria iyo Adrien Rabiot.

Sidoo kale Paris ayaa markale heshiiskii Neymar ku dhibaataysay kooxda ree Spain maadaama oo ay awood dhaqaale oo muuqata kula wareegeen xiddigan xagaagii 2017.

2: Xidhiidhka liita ee u dhaxeeya Neymar iyo madaxda Barcelona

Neymar ayaa  cadho u haya madaxda Barcelona tan iyo markii uu ka tagay kaddib markii ay u diideen lacag 26 Milyan ah oo ay hore ugu balan-qaadeen markii uu qandaraaska cusub u saxeexay.

3: Mushahaarka qaaliga ah ee uu Neymar dalban doono.

Dabcan Neymar JR maaha midkii hore ee Barcelona joogay marka loo eego dhinaca mushahaarka, Ku biiristiisa PSG waxa ay ka dhigtay mid kamid ah xiddigaha ugu mushahaarka badan dunida kubadda cagta waxaana hubaal ah inuu lacago waali ah ka dalban doono koox kasta oo uu ku biiro mustaqbalka dhaw.