XOG: Kaddib Heshiiskii Cusbaa Ee Uu U Saxeexay Chelsea, Halkan Kaga Boggo Faah-Faahinta Xogta Muujinaysa In N’Golo Kante Yahay Mishiinka Khadka Dhexe Ee Premier League.

Xiddiga khadka dhexe ee kooxda Chelsea iyo xulka France ee N’Golo Kante ayaa maanta si rasmi ah heshiis wakhti dheer ah qalinka ugu duugay kooxdiisa waxaanan halkan idiinku soo bandhigi doonaa xogta N’Golo ee guud ahaan sanadihii ugu dambeeyay.

Kaddib markii uu fure u noqday inay Leicester City si layaab leh ugu guuleysatay horyaalka xilli ciyaareedkii 2015-16 xiddigan ayaa heshiis lagu sheegay 30 Milyan ugu biiray dhinaca Blues.

Intaa kaddib Kante ayaa si cajiib ah u caawiyay Blues isagoo sanadkiisii ugu horreeyay la qaaday horyaalka isla markaana isagu shaqsiyan ugu guuleystay abaalmarinta xiddiga sanadka ee Premier League.

Halkan kaga boggo faah-faahinta xogta Kante ee mudadii uu ku sugnaa Premier League:

54 – Kante ayaa tan iyo markii uu saftay kulankiisii ugu horreeyay Premier League gaadhay 54 guulood waxaana kaliya ka rekoodh wanaagsan toddoba xiddig taariikhda Premier League.

657 – Kante ayaa noqday xiddiga inta ugu badan dib usoo ceshada kubad laga qaatay mudada uu horyaalka joogo wuxuuna dib ugusoo guuleystay 657 kubadood, Xiddiga ugu soo dhaw ayaa ah Nemanja Matic oo sidaa sameeyay 627 jeer.

262 – Xiddiga ree France ayaa mudadaas isku dayay inuu sameeyo 262 taakal waxaana kaliya ka horreeya xiddiga Everton ee Idrissa Gueye oo sameeyay 310 taakal.

172 – Kante ayaa 262-ga taakal ee uu sameeyay ku guuleystay 172 kamid ah waxaana ku guuleysiga taakalada markale kaga horreeya Gueye oo guul ka gaadhay taakooyinka 228 jeer.

88.99 – Kante ayaa ku guuleystay boqolkiiba 88.99 kamid ah baasaska uu dhiibay kulamada uu safta waxaana uu booska 20-aad kaga jiraa xiddigaha boqoleyda  ugu badan ka saxay baasaska ay dhiibeen.

4,967 – N’Golo ayaa dhiibay baasas dhan 4,967 guud ahaan intii uu ku sugnaa horyaalka waxaana kaliya ka horreeya daafaca Manchester City ee Nicolas Otamendi oo dhiibay 5,332 baas.