XOG: Kaddib Heshiiskii Cusbaa Ee Uu Ernesto Valverde Qalinka Ugu Duugay Barcelona, Halkan Kaga Boggo Faah-Faahinta Xogta Ilaa Haatan Loo Diiwaan Galiyay Wakhtigiisa Barca.

Tababaraha kooxda Barcelona ee Ernesto Valverde ayaa qalinka ugu duugay kooxdiisa heshiis cusub oo uu shakiga kaga saaray dhammaan muranadii ku hareeraysnaa inuu xilli ciyaareedka dambe sii laylin doono Barca.

Valverde ayaa mudada uu kooxda Camp Nou taladeeda soo hayay soo ciyaaray 96 kulan isaga oo kusii dhawaanaya inuu gaadho rekoodhka 100-ka kulan waana kulamo uu koobab badan oo muhiim ah kusoo hantay.

Tababarihii hore ee Athletic Bilbao ayaa xilli ciyaareedkiiisii koowaad ee Barcelona kusoo wada guuleystay Copa Del Rey iyo horyaalka La Liga waxaana uu haatan ku riyoonaya inuu saddexleyda koobabka ah xilli ciyaareedkan keeno madxafka Barca.

Xilli ciyaareedkan ayay ujeedooyin waaweyn dajisteen iyaga oo haatan ah hoggaanka La Liga, Wareega 16-ka ka jooga Champions League sidoo kalena diyaar ku ah afar dhammaadka Copa Del Rey.

Haddaba, 96-ka kulan ee uu Valverde soo maamulay Blaugrana ayuu guulo lasoo gaadhay 65 kulan halka uu bar-bardhac soo galay 22 kulan isla markaana xanuunka guuldarada kaliya soo dhadhamiyay 9 jeer.

68% kulamada ayaa ah guulo iyadoo 43 kamid ah ay yihiin La Liga, 11 yihiin Copa Del Rey 10 kale yihiin Champions league iyo waliba guul Spanish Super Cup-ka ah.

Dhinaca kale rekoodhka goolasha ay Barcelona mudadaas soo dhalisay ayaa ah kuwo 233 gool ah waxaana ay aad uga badan yihiin heerka goolasha laga soo dhaliyay oo 78 gool ah.

Ugu dambayn, Ernesto oo u dabaaldegaya maanta heshiis cusboonaysiintiisa ayaa sidoo kale ku sigtay inuu guuldarro la’aan ku qaado horyaalka xilli ciyaareedkii hore waxaana kulankii 37-aad oo ahaa markii kaliya hal kulan hadhanaa rekoodhka uu hiigsanayay ka qastay Levante.