XOG: Jose Mourinho 40-kulan Oo Guuldaro La’aan Ah Old Trafford Kula Qaatay Man United, Manchester City Oo Ahayd Kooxdii Ugu Danbaysay Ee Old Trafford Guul Ku Soo Gaadhay-Miyay Markale Rekoodhkan Jabin Doontaa?

Kooxda Manchester United ayaa soo qaadatay 40 kulan oo guularo la’aan ah ay Old Traffrod kaga soo jirtay wuxuuna Jose Mourinho barbareeyay rekoodhkii abid ee Manchester United ay kulamada ugu badan kaga jirtay garoonkeeda ee kulamada tartamada oo dhan, laakiin Red Devils ayaa wajahaysa kooxda duulaysa ee Manchester City si ay rekoodh cusub kooxdeeda ugu dhigi karto.

Si aad u xusuusato guuldaradii ugu danbaysay ee Manchester United ku soo gaadhay Old Traffrod waxaa qasab kugu ah in aad dib ugu laabto kulankii Manchester derby ee la ciyaaray September 10, 2016 markaas oo ay kooxda Guardiola guul ku soo gaadhay Old Trafford, laakiin tan iyo markaas wixii ka danbeeyay jamaahiirta Man United ayaan wax guuldaro ah soo arag.

Inkasta oo Jose Mourinho uu 60 kulan oo xidhiidh ah si layaableh uu Stamford Bridge uu guuldaro kaga soo dheeraaday waqtigiisii Chelsea, ayuu haddana awooday in uu dhaafo Sir Alex Ferguson markii ay kooxdiisu guusha ka gaadhay Newcastle United markaas oo ay 37 kulan oo xidhiidh ah guuldaro la’aan ka jirtay Old Trafford.

Laakiin rekoodhka guuldaro la’aanta kooxda Jose Mourinho ayaa halkiisa ka sii socday iyada oo kulankii ugu danbeeyay ee CSKA Moscow ka dhigtay 40 kulan oo guuldaro la’aan xidhiidh ah oo ay garoonkeeda kaga soo jirtay waxayna barbaraysay rekoodhkii kooxdeedu dhigtay December 1964 ilaa April 1966 kii markaas oo ay sidan oo kale Red Devils 40 kulan oo xidhiidh ah ayna wax guuldaro ah garoonkeeda ku arkin.

Kulamadii Xidhiidhka Ahaa Ee Ugu Badnaa Ee Ayna Man United Wax Guuldaro Ah Ku Arkin Garoonkeeda:

1- 40 kulan oo xidhiidh ah – December 1964 ilaa April 1966

2-40 kulan oo xidhiidh ah – September 2016 ilaa present

3-38 kulan oo xidhiidh ah – December 1998 ilaa April 2000

4- 37 kulan oo xidhiidh ah – April 2010 ilaa October 2011

5- 33 kulan oo xidhiidh ah – March 1955 ilaa October 1956

Haddii ay dhacdo in Manchester City ay noqoto kooxdii ugu danbaysay ee guul ku soo gaadhay Old Traffrod isla markaana ay noqoto kooxda rekoodhkan Manchester United ka jabisa ee guul kale ku soo gaadha Old Traffrod ayaa xanuun khaas ah ku abuuri doonta jamaahiirta Man United iyo Jose Mourinho si la mid ah qof kata oo ku xidhan Red Devils.

Haddii ay Manchester United guulaysato kulanka Manchester Derby waxay farqiga ay hogaanka Premier Leaque u jirto ku soo yarayn kartaa 5 dhibcood oo kaliya laakiin haddii ay guuldaro la kulanto waxay is arki doontaa iyada oo 11 dhibcood hoos uga dhacday Man City waana saamaynta layaab ka leh ee uu hal kulan samayn karo.