XOG: Iska Ilaw Fadeexadii Sergio Ramos, Football Leaks Oo Markale Soo Bandhigay Wixii Kala Qabsaday Cristiano Ronaldo & Shaqaalaha Caafimaadka UEFA Iyo Qaabkii Sharci Darada Ahayd Ee Madrid U Dhex Gashay.

Sir fashiliyaha Football Leaks ayaa duufaano dabaylo wata ku kiciyay kooxda Real Madrid iyada oo la ogaa qaabkii ay u soo bandhigeen xogtii qarsoonayd ee dhex martay maamulka Real Madrid iyo UEFA ee la xidhiidhay in Sergio Ramos uu ku dhacay baadhitaankii daawooyinka mamnuuca ah ee intii lagu jiray finalkii UEFA Champions League ee 2017.

Iyada oo wali ay taagan tahay xaalada xun ee uu abuuray warkii Football Leaks ee Sergio Ramos isla markaaana ay laba war saxaafaadeed soo saareen Real Madrid iyo Sergio Ramos ayuu haddana Football Leaks soo rogay bog kale oo isla baadhitaanka daawooyinka mamnuuca ah oo ay Real Madrid si layaableh ugu lug leedahay.

Football Leaks ayaa soo bandhigay isku dhac dhex maray Cristiano Ronaldo iyo shaqaalaha caafimaadka UEFA ee baadhitaanka daawooyinka mamnuuca ah samaynayay laakiin waxaaba arin layaableh noqotay in shaqaalaha kooxda Real Madrid ay qaab sharci karo ah u soo dhex galeen oo ay waliba UEFA u sheegeen in ay ciyaartoydooda dhiiga iyo kaadida ka soo qaadayaan si loo baadho.

Football Leaks ayaa soo bandhigay sida arintan muran uga dhex abuurtay kooxda Real Madrid iyo maamulka xidhiidhka kubbada cagta isla markaana ay waraaqo badan iskugu dhaafsadeen iyada oo Madrid lagu eedeeyay in ay jabisay sharcigii baadhitaanka daawooyinka maadaama oo ay shaqaalaha UEFA u keentay waxyaabihii baadhitaanka lagu samaynayay ee ciyaartoyda ay shaqaalaha UEFA ka qaadi lahaayeen.

Haddaba Siday Wax U Dhaceen?

Sida xogan lagu shaaciyay, shaqaalaha caafimaadka UEFA ee qaabilsan baadhitaanka daawooyinka ka mamuniica ah ciyaartoyda ayaa xaarunta tababarka Real Madrid soo gaadhay February 2017, waxaana maalintan lagu xusuustaa in wargayska Marca uu shaaciyay in arin qalalaase ahi ay dhex martay ciyaartoyda Real Madrid iyo shaqaalaha UEFA.

Laakiin Football Leaks ayaa soo bandhigay in February 2017 uu Cristiano Ronaldo cadho wayn u muujiyay shaqaalaha UEFA isla markaana uu u sheegay in isaga bartilmaameed laga dhigo oo markasta lagu soo daro liiska ciyaartoyda cirbda/irbada lagu mudo ee lagu baadho.

Cristiano Ronaldo ayaa diiday in shaqaalaha UEFA ay dhiiga ka qaadaan si loo baadho waxaana qolkii baadhitaanka ee UEFA joogtay ka dhacay muran iyo xaalad aad u kacsan sida xogta Football Leaks lagu shaaciyay.

Kadib shaqaalaha Real Madrid ayaa soo galay qolka waxayna shaqaalaha UEFA ku war galiyeen in shaqada ay u qanayaan iyagu oo ay ciyaartoyda kooxdooda Madrid dhiiga ka soo qaadayaan isla markaana ay shaqaalaha UEFA baadhaan taas oo ay shaqaalaha UEFA ee caafimaadku ogolaadeen.

Laakiin arintan ayaa markii ay gaadhay maamulka UEFA waxay waraaqo badan is dhaafsadeen maamulka kooxda Real Madrid laakiin arinta xaalada xun abuurtay ayaa ah in iyada oo shaqaalaha Madrid ay dhiiga ka soo qaadeen ciyaartoydooda aanay UEFA wax ciqaab ah ku ridin ciyaartoydii gadooday iyo shaqaalihii Madrid taas oo hadda arintii Ramos ugu biiray Real Madrid.

Shaalaha caafimaadka Real Madrid ayaa Cristiano Ronaldo iyo Toni Kroos ka soo qaaday dhiigii ay baadheen shaqaalaha UEFA laakiin hadda Football Leaks ayaa nabaradii hore ee kiiskii Sergio Ramos waxay ku sii dareen in xataa Real Madrid ay shaqaalaha UEFA siisay dhiigagii ay baadhitaanka ku sameeyeen markii uu Ronaldo diiday in la baadho.