XOG: Imisa Kooxood Ayaa Ka Guulaysan Lahaa? UEFA Oo Soo Xushay Shaxda Ugu Fiican Ee Tababaraha Kooxaha UCL Ku Jira Markii Ay Ciyaartoyda Ahaayeen- Lopetegui & Valverde Oo Labada Cidhif Ku Kala Jira.

Kooxaha Yurub ayaa isku diyaarinaya in ay markale dib u bilawdaan tartanka xiisaha badan ee UEFA Champions League iyada oo maalmaha talaadada iyo arbacada markale dib loo daari doono musiiga caanka ah ee UEFA Champions league waxayna jamaahiirta kubbada cagta aduunku kulamadan kaga soo kabsan doonaan waqtigii caajiska ahaa ee qaramada aduunka.

Haddaba ka hor inta aan la gaadhin kulamada UEFA Champions League ee bilawga xili ciyaareedkan, xidhiidhka kubbada cagta Yurub ee UEFA ayaa soo saaray shax khaas ah oo laga sameeyay tababarayaasha wata kooxaha ugu waa wayn Yurub markii ay ciyaartoyda ahaan iyada oo kuwii ugu fiicnaa laga sameeyay shaxdan.

Waxaa shaxda ciyaartoydii hore balse hadda tababarayaasha kooxaha Yurub laga sameeyay goolka ugu jira Julen Lopetegui oo Real Madrid macalin u ah laakiin Lopetegui ayaa hal kulan oo kaliya Real Madrid u soo ciyaaray halka uu saddex sanadood ku soo qaatay kooxda Logrones balse sidoo kale shan jeer u soo saftay Barcelona halka uu waayihiisa ciyaareed ee goolhaye uu ku soo xidhay Rayo Vallecano.

Cidhifka kale ee garoonka shaxda kooxdan waxaa ku jira tababaraha kooxda Barceloa ee Ernesto Valverde kaas oo loo yaqaanay naanaysta  ‘Txingurri’ oo la micno ah qudhaan-jadii shaqada kaas oo 44 gool ku soo dhaliyay 170 kulan oo uu u saftay kooxda Atheltic Bilbao wuxuuna sidoo kale Espanyol uga soo ciyaaray finalkii UEFA Cup ee 1998 kii.

Valverde ayaa sidoo waqtiyo kooban ku soo qaatay kooxda uu hadda maamulo ee Barcelona iyo Mallorca wuxuuna qayb ka yahay weerarka shaxda kooxda ugu fiican ee ay UEFA ka samaysay ciyaartoydii hore balse hadda hogaaminaya kooxaha Champions League ku dagaalamaya.

Haddaba Halkan Kaga Bogo Shaxda 11ka Tababare Ee UEFA U Soo dooratay shaxda kooxda ugu fiican ee markii ay ciyaartoyda ahaayeen oo dhamaystiran.

Goolhaye: Julen Lopetegui (Real Madrid)

Difaaca Dhexe: Mauricio Pochettino (Tottenham)

Difaaca Dhexe: Fatih Terim (Galatasaray)

Difaaca Dhexe:: Jürgen Klopp (Liverpool)

Difaaca Midig: Sérgio Conceição (Porto)

Difaaca Bidix: Eusebio Di Francesco (Roma)

Khadka Dhexe: Josep Guardiola (Manchester City)

Khadka Dhexe: Diego Simeone (Atlético)

Khadka Dhexe: Mark van Bommel (PSV)

Caawiyaha Weerraka: Carlo Ancelotti (Napoli)

Weerarka: Ernesto Valverde (Barcelona)

Haddaba akhriste haddii aad aqoon u leedahay tababarayaashani markii ay ciyaartoyda ahaayeen, imisa kooxood hadda UEFA Champions League ku jira ayaa kooxdan ka guulaysan kari lahaa?