XOG: Horyaalkii La Liga Oo Waji Kale Yeeshay, Sevilla Hogaanka Qabtay, Ma Awoodii Kooxaha Yar Yar Ayaa Soo Kacday Mise Real Madrid Iyo Barcelona Ayaa Hoos Uga Soo Dhacay Heerkoodii?

Xili ciyaareedkan waxa uu horyaalka La Liga noqday mid gabi ahaanba khilaafsan sidii looga soo bartay xili ciyaareedyadii la soo dhaafay ama ugu dhawaan intii lagu jiray qarnigan 21 aad balse waxa xili ciyaareedkan soo baxay isbadal aan la rumaysan karin.

Kooxaha waa wayn ee horyaalka La Liga ayaa xili ciyaareedkan la kulmaya layaab badan waxayna kooxihii yar yaraa iyo waliba kooxihii heerka dhexe ay hadda aamineen in ay guulo ka gaadhi karaan Barcelona, Real Madrid iyo Atletico Madrid oo hore u ahaa kooxo ay adkayd in dhinacooda dhulka la dhigo.

Waxaa jira hal arin oo ay xili ciyaareedkan ka midaysan yihiin kooxaha Barcelona iyo Real Madrid oo waliba ah rekoodh xun oo bar madow ku ah kooxaha reer Spain laakiin waxaa jira xog kale oo ay ku kala duwan yihiin oo ay Madrid dib ugu laabtay muddo toban sano ah taariikh xun oo ay lahayd.

Shabakada Gool24 ayaa halkan idiinku soo gudbinaysa falan qayn aanu ku samaynay horyaalka La Liga gaar ahaan kooxaha Real Madrid iyo Barcelona iyada oo aanu eegi doono xogta gaar ka ah ee ay iskaga midka yihiin iyo waliba waxa ay ku kala duwan yihiin.

Laakiin ka hor inta aanan xogtan hoos ugu degan aan marka hore idinla wadaago kala saraynta horyaalka la Liga iyo sida kooxda Sevilla ay ku noqotay hogaamiyaasha La liga isla markaana uu horyaalka Spain xili ciyaareedkan u noqday mid gabi ahaanba khilaafsan wixii laga filayay.

Kooxda Sevilla ayaa guul ka gaadhay Real Valladolid waxayna awooday in ay kaalinta kowaad kala baxday Barcelona iyada oo ka faa’iidaysatay barbarihii ay Blaugrana la soo gashay Atletico Madrid waxayna Sevilla yeelatay 26 dhibcood halka Barcelona oo kaalinta labaad ku jirtaa ay haysato 25 dhibcood.

Atletico Madrid ayaa kaalinta saddexaad ugu jirta 24 dhibcood halka kooxda soo dustay ee Alaves ay kaalinta afraad gu jirto 23 dhibcood waxaanad dareemi kartaa in afarta kooxood ee ugu sareeya ay isdheer yihiin min hal dhibic oo kaliya.

Espanyol ayaa kaalinta shanaad ugu jirta 21 dhibcood halka Real Madrid iyo Girona ay min 20 dhibcood wada haystaan balse Madrid ayaa ku saraysa in ay kulankii ay wada ciyaareen guulaysatay

Waxaad xogtan ka dareemi kartaa sida uu horyaalka La liga u noqday mid aan la saadaalin karin xili ciyaareedkan isla markaana uu layaab ka soo bixi karo iyada oo qormada inteeda kale aan kaga sii hadli doono xogta Real Madrid iyo Barcelona.

Riix Bogga 2, 3 & 4 Si Aad Xogta Oo Dhan U Akhrisato.