XOG: Halkee Ayay Liverpool Kaga Jirtaa Tobanka Kooxood Ee Kulamadii Ugu Badnaa Aan Laga Adkaanin Premier League?

Advertisements

115 sannadood oo uu horyaalka Premier League jiray, waxa lasoo diiwaangeliyey rikoodho badan oo marba midka ka dambeeya uu ka sare marayey midkii hore.

Sannadkii 2004 ayaa diiwaanka horyaalka lagu qoray kooxda kulamadii ugu badnaa ka badbaadday guul-darro isla markaana koobka qaadatay iyadoo dhamaan kulamadeedii xili ciyaareedkaas ee Premier League aan hal marna laga badinin, waxaanay ahayd Arsenal oo wax ku cusub ciyaaraha samaysay.

16 sannadood ka hor, markii ay Arsenal 49 ciyaarood oo xidhiidh ah dhinaceeda dhulka la dhigi waayey, waxa jirtay dood ah in aanay taariikhda horyaalka dhici doonin in cidi soo qabato, amaba ku hammido inay gaadho, laakiin hadda waxay u egtahay in Liverpool ay noqonayso naadiga gaadhi doona halkaas ee ay suurtogalka tahay inay dhaafto oo rikoodh cusub u xidho Premier League, waxaanay u baahan tahay in inta laga gaadhayo kulanka April 4 ee ay Manchester City u tegayso ay iska ilaaliso in laga adkaado, sidoo kalena ay Pep Guardiola ugu yaraan kula barbarreeyaan Etihad Stadium.

Kooxda tababare Jurgen Klopp oo kusii dhowaanaysa in horyaalka ay ku guuleysato iyadoo ay kulamo badan hadhsan yihiin, waxay xili ciyaareedkii hore noqon lahayd kooxda koobka ku guuleysata haddii kaliya ay badin lahayd kulankii ay Manchester City wada ciyaareen ee 1-0 lagu garaacay, waxaanay heli lahayd 100 dhibcood, halka City oo koobka ku qaadatay 98 dhibcoodna ay yeelan lahayd 95 dhibcood.

Haddii ay sidaasi dhici lahayd, rikoodh waalli ah ayay waqtigan Liverpool jeebadda ku haysan lahayd, waxaana tirada kulamada xidhiidhka ah ee aan dhinaceeda dhulka la dhigin ay noqon lahaayeen 61 ciyaarood iyadoo hal kulan u jiri lahayd rikoodhka aanay cidina ka helin horyaallada ee Celtic oo ah in sannadihii u dhexeeyey 2015-2017 aan marna laga adkaanin, isla markaana ay 62 ciyaarood oo xidhiidh ay ka badbaadday khasaare.

Haddaba waxa aanu halkan idiinku soo gudbinaynaa kooxihii ugu badnaa ee guul-darrada kasoo badbaaday horyaalka Premier League muddadii 115-ka sannadood ahayd ee uu jiray, waxaana kaalinta koowaad kaga jirta Arsenal iyo Chelsea oo ku xigta, waxaanay kooxuhu u kala haystaan sidan:

=9. Nottingham Forest (1995) – 25 matches

=9. Manchester United (2016-17) – 25 matches

=6. Manchester United (2010-11) – 29 matches

=6. Chelsea (2007-08) – 29 matches

=6. Manchester United (1998-99) – 29 matches

=4. Manchester City (2017-18) – 30 matches

=4. Arsenal (2001-02) – 30 matches

3. Liverpool (2019-?) – 39 matches

2. Chelsea (2004-05) – 40 matches

1. Arsenal (2003-04) – 49 matches

Advertisements