XOG: Dhul-gariirradii Ka Dhacay Suuqa Iibka Ee Sababta U Noqday Go’aamada Qaldan Iyo Lacagaha Sida Xun Ay Kooxuhu Suuqa U Geliyeen

Kylian Mbappe: Monaco => PSG

Inaad mar kaliya waydo Kylian Mbappe, Thomas Lemar iyo Fabinho wax sahlan maaha, dhibaataduna waxay sii badnaysaa marka ay hal sano gudaheed wada baxaan.

Inkasta oo ay Monaco ku iibisay ciyaartoydan lacag dhan 330 milyan oo Euro, suuqana ay si caqli leh uga adeegan karaysay, haddana argagaxa xiddigaha baxay waxay ku keentay inay markiiba si fiirsi la’aan ah suuqa u galaan.

Aleksandr Golovin ayaa ahaa saxeexa ugu weyn ee ay Monaco sannadkii 2018 samaysay, waxaanay kusoo iibsatay 30 milyan oo Euro, halka ay sannadkii xigay ee 2019 ku dartay saxeexyo kale oo qaali ah, sida Wissam Ben Yedder iyo Gelson Martins.

Wax kasta oo ay samaysayba, Monaco waxay kasoo kaban kari weyday bixitaankii Kylian Mbappe, waxaanay xili ciyaareedkii xigay u degtay heerka labaad, halka ay sannadkanna ku dhamaysatay meel aanay kaga qayb-geli doonin tartamada Yurub.

Christian Vieri: Atletico Madrid => Lazio

Sannadkii 1998-kii ayuu weeraryahankii Talyaaniga ee Christian Vieri ka tegay Atletico Madrid, isaga oo ku baxay lacag dhamayd 28 milyan oo Euro oo loo shubay Los Rojiblancos.

Kooxda reer Spain waxay xilligaas ka mid ahayd kooxaha horyaalka u tartamaya, laakiin markii uu Vieri baxay, waxay xili-ciyaareedkaas ku dhamaysatay kaalinta 13aad.

Sida Ugu Sahlan Ku Hel Wararka Ciyaaraha,Halkan Ka Dajiso App-ka Gool24.net RIIX HALKAAN OO HEL APPKA.

LIKE OUR OFFICIAL FACEBOOK PAGE Gool24 Facebook