XOG: Dhul-gariirradii Ka Dhacay Suuqa Iibka Ee Sababta U Noqday Go’aamada Qaldan Iyo Lacagaha Sida Xun Ay Kooxuhu Suuqa U Geliyeen

Suuqa iibka ciyaartoyga waxa soo maray saxiixyo dhul-gariir lagu tilmaamay oo gebi ahaanba beddelay qaabkii uu u ekaa suuqa kala iibsiga ciyaartoyga amaba kooxaha qaarkood u ekaysiiyey kuwo diciif ah oo aan qayrkood hiigsan karin halkii ay ka ahaayeen naadiyo cudud leh oo argagax laga sii qaado ka hor inta aan lala ciyaarinba.

Laakiin ciyaartooyo badan oo la iibsado iyo lacago badan oo lagu farraqo oo dadkuna la yaabaan caddadkeeda, kooxaha uma dammaanad qaaddo inay guuleysanayaan, waxaana tusaaleyaal cadcad u ah wixii dhacayay tobannaankii sannadood ee tegay oo laacibiin indhuhu hayaan ay noqdeen sidii tuke baal cad oo kaliya ay indhuhu hayaan laakiin kubadda ay colaadi ka dhexayso.

Kooxaha laga¬† qaatay ciyaaryahannadooda hal-doorka iyo hoggaankaba u ahaa waxay qaataan go’aamo degdeg ah oo aan laga fiirsanin, waxaanay suuqa geliyaan lacag waalli ah, sababtoo ah, waxay markiiba doonaan inay soo helaan beddelka xiddigaha ay ku tiirsanaayeen ee laga iibsaday, taasina waxay ku keentaa khasaare.

Halkan waxaanu idiinku soo gudbinaynaa kooxihii argagaxu ku dhacay markii laga iibsaday ciyaaryahannadooda waaweyn, isla markaana sida ka fiirsi la’aanta ah u kharash-gareeyey lacagtii ay heleen iyo xattaa tii kale ee ay qasnaddooda kaga dareen.

Luis Figo: Barcelona => Real Madrid

Figo ayaa kaga baxay Camp Nou lacag dhamayd 60 milyan oo Euro sannadkii 2000, waxaanu uga wareegay Real Madrid oo cadaawad weyn ka dhaxaysay.

Heshiiskan ayaa abuuray xiisad weyn oo labada kooxood dhexdooda ah, taas oo gaadhay in wixii xilligaas ka dambeeyey aanay isku soo safaadin oo aanay waxba kala iibsanin, halka ay kulamadooduna noqdeen dagaal iyo rabshad.

Markii uu Figo ka tegay, waxay Barcelona markiiba si degdeg ah u gashay suuqa si ay booskiisa u buuxiso, waxaanay lasoo wareegtay afar ciyaartoy oo ay ku jireen Marc Overmars iyo Emmanuel Petit.

Afarta laacib midkoodna ma saldhigin kooxda, waxaana midka ugu sii liitay ahaa Petit oo gebi ahaantiiba ka tegay kooxda isaga oo aan raad ku yeelanin.

Figo kaddib, Barcelona kumay guuleysanin horyaalka LaLiga Santander illaa laga gaadhayay xili ciyaareedkii 2004/05 oo Ronaldinho uu Camp Nou ka curiyey kacaan ay qayb ka ahaayeen Deco, Guilly, Xavi, Eto’o, Edgard Davids iyo laacibiintii da’da yaraa ee Lionel Messi iyo Andres Iniesta.

Neymar: Barcelona => Paris Saint-Germain

Laacibka reer Brazil ayaa ka dhaqaaqay Barcelona sannadkii 2017, waxaanu ku biiray PSG oo ka bixisay lacag dhan 222 milyan oo Euro. Si ay booskiisa u buuxiyo Barca waxay u dhaqaaqday beddelkiisa, waxaanay lasoo saxeexatay Philippe Coutinho oo ay kaga soo iibsatay 145 milyan oo Euro iyo Ousmane Dembele oo ay Borussia Dortmund kagala soo wareegtay 125 milyan oo Euro.

Isku-darka labadan laacib ayey lacagta kaga baxday Barcelona noqotay 270 milyan oo Euro, taas oo ka dhigan in xattaa ay lacagtii Neymar markiiba suuqa gelisay iyadoo waliba ku dartay 48 milyan oo Euro oo kale.

Intaas kumay ekaan, waxaanay shaacisay saxeexyada Paulinho oo 40 milyan Euro ku joogay, Nelson Semedo oo 35.7 milyan Euro ay kusoo gadatay iyo Gerard Deulofeu oo ay 12 milyan oo Euro kusoo qaadatay.

Lacag khasaartay dheh.

Saddex sannadood kaddib, Coutinho wuxuu amaah ugu maqan yahay Bayern Munich halka uu Ousmane Dembele noqday sariiryaal saamayntiisa dhaawaca iyo kharashka kaga baxay kooxdu ay ka badan tahay bandhiggiisa.

Luis Suarez: Liverpool => Barcelona

Ka hor intii aanu Jurgen Klopp imanin, Liverpool waxay ahayd koox aad uga fog midda ay hadda tahay, waxayse sannadkii 2014 ku dhowaadeen inay ku guuleystaan Premier League illaa uu kulankii ugu dambeeyey Steven Gerard siibasho ku siiyey Manchester City koobka.

Luis Suarez ayey Barcelona kaga iibsatay isla sannadkaas lacag dhamayd 81 milyan oo Euro, waxaana Reds ay ula carartay dhinaca suuqa si ay usoo qaataan laacib tayadiisa leh iyo boosaskii kale ee ay filayeen inay ka liitaan.

Adam Lallana, Dejan Lovren, Lazar Markovic iyo Mario Balotelli ayay Liverpool lasoo saxeexay isla xagaagiiba, waxaanay kusoo xigsiiyeen Alberto Moreno, Divock Origi iyo Emre Can.

Gareth Bale: Tottenham => Real Madrid

Bixitaankii Bale ee Tottenham, waxa naadiga reer London ku keenay in meel weyn ay bannaanaato. Laakiin Daniel Levy waxa uu qaatay go’aan ah inuu u degdego inuu soo iibsado ciyaartoy sidiisa oo kale ah oo isbeddel degdeg ah samayn kara.

Spurs waxay 60 milyan oo Euro kasoo bixisay Erik Lamela iyo Roberto Soldado oo aanu midkoodna la imannin wixii laga filayay.

Ciyaartooyo kale ayay sidoo kale Tottenham kusoo kordhisay safkeeda khadka dhexe, balse yaa buuxin karayay kaalintii uu Bale ugu jiray kooxda waqtigaas? Dabcan, cidna.

Riix 2 si aad u wada akhriso

Sida Ugu Sahlan Ku Hel Wararka Ciyaaraha,Halkan Ka Dajiso App-ka Gool24.net RIIX HALKAAN OO HEL APPKA.

LIKE OUR OFFICIAL FACEBOOK PAGE Gool24 Facebook