XOG: Dagaalkii Kaalinta Afraad Oo Sii Laba Jibaarmay Iyo Miiska Kala Saraynta Premier League Kadib Kulamadii 16-Aad Oo Hadda La Soo Gaba Gabeeyay.

Advertisements

Waxaa hadda si rasmi ah u soo dhamaaday kulamadii 16 aad ee premeir League kadib markii ay barbaro 2-2 ah galeen kooxaha Wolves iyo Brighton waxayna kulamadani soo xidheen kulamadii 16 aad ee xili ciayareedka Premeir League.

Miiska kala saraynta premier League ayaa noqday mid xamaasad leh kadib markii ay natiijooyin layaablihi ka soo baxeen kulamadii 16 aad ee shalay iyo maanta la ciyaaray.

Liverpool waxay sidii la ogaa guul wayn ka gaadhay kooxda Bournemouth waxayna wali sii joogtaysay 8 dhibcood oo ay hogaanka kaga hayso kooxda Liecester City oo xasuuq 4-1 ah u gaysatay Aston Villa waxayna Foxes kaalinta labaad ugu jirtaa 38 dhibcood.

Liverpool waxay markii hore ka cabsi qabtay kooxda Man City oo kaliya laakiin waxay hadda arkayaan iyaga oo 14 dhibcood ka sareeya balse Leicester City ayaa hadda noqonaysa kooxda ay Jurgen Klopp iyo wiilashiisu iska eegi karaan.

Arinta ugu layaabka badan ee aanu hal qof filan karayn bilawgii xili ciyaareedkan ayaa ah in Leicester City ay urursatay laba jibaarka dhibcaha ay Arsenal haysto taas oo la micno ah in Leicester City ay heshay 19 dhibcood oo ka dheeraad ah isla 19 ka dhibcood ee ay Gunners ka soo heshay 16 kulan!!!.

Arinta kale ee lama filaanka ah ayaa ah in Liecester City ay lix dhibcood oo saafi ah ka sare martay kooxda koobka premier Leauge difaacanaysa ee Man City halka ay 14 dhicbood ka sareeyaan Man United.

Laakiin arinta xiisaha leh ayaa ah in Man United ay hadda culayska soo saartay Chelsea oo kaalinta afraad ku jirta waxaana jira farqi 5 dhibcood oo kaliya ah inkasta oo Blues ay dhibco aad u badan ka saraysay United oo hadda rajo cusubi u muuqato.

Waxaa hadda la fahansan yahay in Arsenal ay tahay kooxda ugu liidata ee xili ciyaareedkan ku dhibtoon doonta in ay xataa Europa League u soo bixi karto halka Tottenham, Man United, Wolves iyo Chelsea ay u muuqdaan kuwa kaalinta afraad isku haysan doona.

Ma muuqato tilmaan muujinaysa in ay Leicester City seegi doonto saddexda kaalmood ee sare haddii ay ku socdaan xaalada layaabka leh ee ay soo wadeen, waana fariin xanuun badan ku abuuraysa kooxaha waa wayn sida lama filaanka ah kooxdan sare ugu fiirinaya.

Advertisements

Miiska Kala Saraynta Premier League Ee Kadib Kulamadii 16 aad oo hadda la soo dhamaystiray.

Advertisements