XOG CUSUB: PSG Oo Barcelona Dibada Uga Tuurtay Tartankii Matthijs de Ligt, Agaasime Cusub Oo La Magacaabay Iyo Waqtiga Ay PSG Doonayso In Ay Ku Dhawaaqdo Heshiiska De Ligt.

Madax waynaha kooxda PSG ee Nasser Al Khelaifi ayaa qaaday talaabo kasta oo uu ku doonayo in uu Barcelona iyo kooxaha Yurub ugu garaaco saxiixa kabtanka kooxda Ajax ee Matthijs de Ligt kaas oo hadda ay suurtogal tahay in uu Paris ka degi doono.

Madax wayne Nasser Al Khelaifi ayaa xilkii agaasimaha ciyaaraha kooxdiisa PSG waxa uu ka badalay Antero Henrique kaas oo si rasmi ah ugu dhawaaqay bixitaankiisa waxaana badalkiisa soo laabanaya Leonardo.

PSG ayaa doonaysa in agaasimaha cusub ee Leonardo uu saxiixa kowaad ka dhigto difaaca kooxda Ajax ee Matthijs de Ligt kaas oo uu wakiilkiisa Mino Raiola uu Paris soo gaadhi doono bilawga usbuucan si loo dhamaystiro heshiiska ay PSG ugu guulaysanayso saxixia De Ligt.

Sida ay warbaahinta France shaacisay, agaasimaha cusub ee Leorando iyo saxiixa De Ligt ayay PSG doonaysaa in ay hal mar kuwada dhawaaqdo iyada oo waliba uu wakiilka De Ligt ee Mino Raiola uu door wayn ka qaadan doono dhamaystirka heshisikan.

Agaasimaha cusub ee PSG ee Leorando ayaa xidhiidh fantastik ah la leh wakiilka De Ligt ee Mino Raiola taas oo hadda noqonaysa hubka ugu wayn ee ay kooxda PSG heshay.

Madax waynaha PSG ee Nasser Al Khelaifi ayaa hore uga cadhooday in Barcelona ay kooxdiisa ku garaacday Frenkie De Jong oo ay PSG hore heshiis ula gaadhaysay wuxuuna markan doonaa in Barca uu ka dul qaado saxixia De Ligt.

Wargayska Sport ee magaalada Barcelona ka soo baxa ayaa isna shaaciyay in hadda PSG ay Barcelona ku garaacayso saxiixa De Ligt iyada oo xidiga reer Holland loo soo bandhigay mushaar 15 milyan yuro ah xili ciyaareedkiiba.

Mushaarka uu Nasser Al Khelaifi ku soo xergo galinayo De Ligt ayaa ah mid xataa ka sareeya mushaarkii waalida ahaa ee ay Manchester United ku doonaysay 19 sano jirkan waxayna sidoo kale PSG lacag badan siin doontaa wiilka De Ligt ee Mino Raiola.

PSG ayaa wax walba u samaynaysa isla markaana qiimo walba ku bixinaysa sidii ay ugu guulaysan lahayd adeega  Matthijs de Ligt waxayna hadda noqotay kooxda hogaanka sida dhabta ugu qabtay saxiixa xidigan.

Kooxda Barcelona ayaan marnaba doonayn in ay  Matthijs de Ligt siiso mushaarka uu ka heli karo kooxaha PSG iyo Manchester United iyada oo waliba la ogaaday in sarkaal sare oo ka tirsan Barca uu sheegay in ku biirista De Ligt ee Man United ay la mid tahay sidii oo da’yarkan waayihiisa ciyaareed dhaafsaday lacagta kooxaha China.

Si kastaba ha ahaatee, todobaadka sabtida barri ka bilaami doonaa waxa uu muhiimad wayn u leeyahay kooxda PSG iyo rabitaankooda saxiixa  Matthijs de Ligt kaas oo ay suurtogal tahay in agaasimaha cusub iyo isaga hal mar saxaafada loo soo wada bandhigi doono.