XOG CUSUB: Neymar JR Oo Toddobaadka Soo Socda Magaalada Barcelona U Safraya & LABA Sababood Oo Uu U Tagi Doono Oo La Ogaaday.

Suuqa xagaagan 2019 ayaa si habsami leh u socda walow uusan wali kooxaha qaar u fiicnayn xiddiga ugu hadal haynta badan dhawaanahan ayaana ah Neymar JR oo Paris Saint-Germain ka tirsan balse lala xidhiidhinayo Barcelona.

Sidii aanu hore idiinla soo wadaagnay wararka oo dhan ayaa qaba aragtida ah in Neymar uu doonayo inuu ku laabto kooxdiisii hore balse waxa caqabada ku ah rabitaankiisa ayaa ah kooxdiisa PSG oo aan si sahal ah ku fasaxayn.

Dhawaan ayuu wargeyska Sport shaaciyay war cusub kaas oo ahaa in xiddigani uu madaxda Barcelona xidhiidh lasoo sameeyay isla markaana uu u sheegay inay heshiiskiisa hore u dedejiyaan maadaama xilli ciyaareedkii dhaw yahay.

Haatan il wareedka lagu magacaabo La Porteria ayaa sheegaya xog kale taas oo ah in Neymar uu toddobaadka soo socda u safri doono magaalada Barcelona halkaas oo uu u tagi doono laba arrimood oo ka caawin kara inuu Blaugrana u wareego.

Arrinta koowaad ayaa ah in Neymar uu doonayo inuu isagu soo kala dhex galo Paris Saint-Germain iyo Barcelona isla markaana uu doonayo inuu mustaqbalkiisa si buuxda u kala caddeeyo.

Qoddobka labaad ayaa ah in 27 jirkani uu doonayo inuu gurigii uu dagi lahaa ka raadsado magaaladaas uu horeba u kala bartay balse uu laba sano kahor ka wareegay.

Dhawaan ayay ahayd markii madaxweynaha Barcelona ee Josep Maria Bartomeu uu sheegay in aysan jirin wax ay ka qaban karaan arrinta Neymar balse Bartomeu ayaa dhinaca kale si cad u sheegay in Neymar uu kooxdooda doonayo.