XOG CUSUB: Chelsea Oo LIXDAN Tababare U Calaamadsatay Badalka Maurizio Sarri Oo Ugu Danbayn Juventus La Wareegi Doona.

Kooxda Chelsea ayaa diyaarsatay liiska lix tababare oo ay suurtogal tahay in mid ka mid ahi uu kooxdeeda ka badali doono  Maurizio Sarri oo hadda diyaar buuxa u ah in uu ka baxo Stamford Bridge si uu Juventus u qabto.

Maurizio Sarri oo xili ciyaareedkii dhamaaday waqtiyo badan cadaadis badan ugu hoos jiray in uu shaqo ka cadhayinta maamulka Chelsea la kulmayo ayaa go’aan ku gaadhay in uu Blues iskaga baxo si uu u qaato fursada shaqada tababare ee Juventus.

Laakiin waxay hadda maamulka kooxda Chelsea ku mashquulsan yihiin kala shaandhaynta liiska tababarayaasha ay u arkaan in ay badal u noqon karaan  Maurizio Sarri.

Wargayska Daily Express ayaa si khaas ah u soo bandhigay liiska lixda tababare ee ay Chelsea midkood badal uga dhigan karto Maurizio Sarri.

Halyaygii hore ee kooxda Chelsea ee Frank Lampard oo hadda ah macalinka kooxda heerka labaad ee Derby County ayaa ka mid ah liiska lixda tababare ee ay Chelsea badalka uga dhigan karto Sarri iyada oo waliba ciyaartoyda Blues doonaya in Lampard ku soo laabto Stamford Bridge.

Tababaraha kooxda Ajax ee Erik ten Hag oo soo qaatay xili ciyaareed layaableh ayaa qayb ka ah liiska musharixiinta ay Chelsea u calaamadsatay in uu Sarri badali karo.

Tababaraha saddexaad ee ay Chelsea isha ku hayso ayaa ah Maxi Allegri oo Juventus ka baxaya isla markaana uu Sarri booskiisa ka buuxinayo Juventus balse Chelsea ayaa Maxi Allegri ka dhigan karta badalka Sarri si ay labada kooxood isku dhaafsadaan.

Tababaraha afraad ee ay Chelsea la soo saxiixan karto ayaa lagu sheegay macalinka kooxda Wolves horumarka wayn ku sameeyay ee Nuno Espirito Santo kaas oo khibrad layaableh soo bandhigay.

Tabaraha kooxda Watford ee Javi Gracia oo marar badan oo hore lala xidhiidhinayay ayaa liiskan ku jira isaga oo ah macalinka shanaad ee ay suurtogalka tahay in uu badalka Sarri noqon karo.

Ugu danbayn, tababare ku xigeenka xulka qaranka England ee Steve Holland ayaa ah mid ka mid ah liiska lixda tababare ee ay Chelsea ka dhex raadsanayso badalka Sarri.

Chelsea ayaa wali ka war sugaysa rafcaankii ay maxkamada xalinta khilaafaadka Sportska CAS uga qaadatay ganaaxii labada xili suuq ahaa ee lagu soo rogay iyada oo tababaraha cusub ee kooxdeeda qaban doonaa uu suuqa ka raadsan doono badalkii Hazard haddii dib loogu dhigo ganaaxa la saaray.