XOG: Cristiano Ronaldo Waa Boqorka Baraha Bulshada- Ronaldo Oo Meel Iska Saaray Min Lionel Messi, Justin Bieber Ilaa Donald Trump- Akhriso Xog Xiiso Badan.

Casriga qarniga 21 aad waxaa aduunka si waali ah u qabsaday isticmaalka baraha bulshada ama Social media waana adeegyo si waali ah sare ugu kacaya isla markaana wax walba oo aduunka ah lagu baahiyo qaabab kala duwan oo muuqaal, qoraalo iyo codba leh.

Laakiin waxaa lagu kala tagay tirada dadka shaqsi kasta ugu xidhan baraha bulshada ee kala duwan waxayna hadda u muuqataa in ganacsiga ugu wayni uu ku jiro tirada badan ee shaqsiyaadka caanka ahi ay ku haystaan baraha bulshadooda maadaama oo ay lacago waali ah ku helaan xayasiin kasta oo ay barahooda soo dhigaan.

Haddaba shirkada KPMG ayaa soo bandhigtay shaqsiyaada kubbada cagta iyo guud ahaan ciyaaraha caalamka ugu taageerada badan baraha bulshada ee dadka ugu badani ku xidhan yihiin waxaana kaalinta kowaad kaga jira Cristiano Ronaldo.

Cristiano Ronaldo ayaa kaalinta kowaad ku galay tirada isku darka dadka ku xidhan barihiisa Twitterka, Instagramka iyo waliba Facebook wuxuuna haystaa 340 milyan iyada oo Facebook ay kaga xidhan yihiin 123 milyan qof halka Instagram ay kaga xidhan yihiin 143 milyan wuxuuna 75 milyan qof inka badan uu ku haystaa twitterka.

Cristiano Ronaldo ayaa kaalinta kowaad kaga jira xidigaha kubbada cagta iyo waliba guud ahaan Sportska oo dhan isaga oo xataa kaalinta kowaad ka haysta shaqsiyaad aad caan uga ah aduunka oo ay ka mid yihiin fanaaniin, ciyaartoyda NBA iyo xataa dhinaca feedhka.

Neymar Jr ayaa noqday ciyaartoyga labaad ee kubbada cagta ah ee kaalinta labaad  kaga jira dhinaca kala saraynta baraha bulshada wuxuuna haystaa 205 milyan qof oo ku xidhan barihiisa Facebook, Instagram iyo Twitterka isla waqtigii xog ururintan la samaynayay.

Lionel Messi ayaa kaalinta saddexaad u dhacay wuxuuna baraha bulshada ku leeyahay 189 milyan qof oo ku xidhan barihiisa bulshada Facebook iyo Instagram iyada oo aanu Messi lahayn akown Twitterka taas oo keentay in uu si wayn uga hooseeyo xidiga ay xifiltamaan ee Ronaldo iyo xataa saaxiibkiisii hore ee Neymar.

Lionel Messi ayaa 90 milyan qof ku haysta Facebook halka 99 milyan kale uu saaxiibo kula yahay barta Instagram laakiin xidiga ree Argentina ayaan ilaa hadda ka soo muuqan barta caanka ah ee Twitterka.

Qaybaha Kale Kaga Halkan Bogga 2-aad iyo 3-aad Si Buuxda Ugaga Bog: