XOG: Cristaino Ronaldo Vs Lionel Messi-Waa Sidaa Xogta Isbar-Bardhiga Messi & Ronaldo Ee Sanadkan 2018 & Xili Ciyaareedkan 2018/19? Akhriso Xogta Oo Dhan.

Tobankii sanadood ee ugu danbeeyay waxaa kubbada cagta aduunka halka ugu saraysa kaga soo jiray Lionel Messi iyo Cristaino Ronaldo laakiin wali waxay yihiin labada xidig ee ugu fiican kubbada cagta inkasta oo abaal marino muhiim ah lagu  garaacay.

Inkasta oo ayna markasta xidiga ku guulaysta abaal marinta xidiga aduunka ugu fiicani ayna ka turjumin xaqiiqda oo ay tahay wax cod ku xidhan, haddana waxaa shaki la’aan ah in Cristiano Ronaldo iyo Lionel Messi wali yihiin labada xidig ee kubbada cagta ugu saamaynta badan.

Luk Modric ayaa Lionel Messi iyo Cristiano Ronaldo ku garaacay abaal marinta The Best ee xidiga aduunka ugu fiican sanadkan 2018, laakiin taas micnaheedu ma aha in Luka Modric uu garoonka dhexdiisa kaga fiicnaaday Ronaldo iyo Messi balse waxa uu kaga batay codbixintii FIFA oo kaliya.

Laakiin marka xaqiiqda iyo xogta loo laabto, Ronaldo iyo Messi ayaa wali ah labada xidig ee aduunka ugu fiican waxayna taas ku xaqiijiyeen wax qabadkooda garoonka waana mid shaki la’aan ah balse isbar-bar dhigooda ayaa ah mid sii socon doona iyada oo ay yar tahay xidigaha kale ee xogtooda la barbar dhigi karaa.

Haddaba shabakada Gool24 ayaa halkan idiinku soo gudbinaysa xogta isbar-bar dhiga Lionel Messi iyo Cristiano Ronaldo ee sanadkan dhamaadka ah ee 2018 iyada oo ay muujinayso in wali ay yihiin laba xidig oo shaqo layaableh u qabanaya jamaahiirtooda.

Cristiano Ronaldo ayaa horaantii xili ciyaareedkan ka baxay Real Madrid wuxuuna ku biiray kooxda Juventus oo uu markii hore u muuqday mid ku dhibtoonayay wuxuuna dhawr kulan sugayay in uu dhaliyo goolkiisii ugu horeeyay balse markii uu helay goolkii ugu horeeyay waxay noqdeen tusbax furtay iyo isdaba yaac.

Lionel Messi waxa uu sii watay kooxda uu waayihiisa ciyaareed ku soo qaatay ee Barcelona isaga oo waliba si la yaableh xili ciyaareedka ku bilawday inkasta oo dhaawicii soo gaadhay uu hoos u dhigay dardartii waalida ahayd ee uu ku socday.

Haddaba aan marka hore idiin soo gudbiyo xogta isbarbar dhiga Lionel Messi iyo Cristiano Ronaldo ee xili ciyaareedkan 2018/19 iyada oo kadib aan hoos ugu degi doono xogta guud ee sanadkan 2018 ay soo sameeyeen oo dhamaystiran.

Xogta Isbarbar Dhiga Ronaldo Vs Messi Ee Xili Ciyaareedkan 2018/19

Cristaino Ronaldo waxa uu xili ciyaareedkan kooxdiisa Juventus u saftay 15 kulan oo tartamada oo dhan ah wuxuuna soo dhaliyay 9 gool isaga oo sdoo kale caawin ahaan u sameeyay 5 gool taas oo la micno ah in uu ku soo lug lahaa 14 gool oo ay Juventus soo dhalisay 15ka kulan ee uu saftay.

Taas badalkeeda Lionel Messi waxa uu kooxdiisa Barcelona u saftay xili ciyaareedkan 13 kulan wuxuuna ku soo dhaliyay 14 gool isaga oo sameeyay 6 gool caawineed waxayna taasi la micno tahay in Messi uu ku lug lahaa 19 gool oo ay Barca ka soo dhalisay 13 kii kulan ee uu saftay.

Xukunka Xogta Xili Ciyaareedka Ee Messi Vs Ronaldo: 

1-Lionel Messi=13 kulan iyo 19 gool

2-Cristiano Ronaldo=15 kulan iyo 14 gool

Bogga 2-aad iyo 3-aad Xogta Oo Dhamaystiran Ka Akhriso.