XOG: Ceebtii Ka Danbaysay David Moyes! Toban Arimood Oo Aad La Yaabi Doonto Oo Kubbada Cagta Ka Dhacay Markii Ugu Danbaysay Ee Ay Man United Guulaysatay Kulan Wareega 16ka UCL Ah.

Kooxda PSG ayaa guul dahabi ah Old Trafford kaga soo gaadhay Manchester United si ay u noqoto kooxdii ugu horaysay ee reer France ah ee guul loogu diwaan galiyo Old Trafford waxayna guuldaradani abuurtay jaho weerarkii ugu horeeyay ee uu la kulmay tababaraha ku meel gaadhka ah ee Ole Gunnar Solskjaer kaas oo qaab ciyaareedkiisii ugu xumaa ee United loo diwaan galiyay.

Manchester United ayaa hadda wajihi doonta dhibaatadii ugu waynayd ee xili ciyaareedkan ee tartanka Champions league waxayna PSG booqan doontaa iyada oo buur dheer in ay fanato u baahan isla markaana garoonkeeda laba gool looga soo dhaliyay.

Laakiin dhibaatada Manchester United ee wareega 16ka kooxood ma aha mid ka bilaabantay guuldaradii PSG balse waa mid soo jireen ahayd tan iyo markii uu Sir Alex Ferguson ka baxay Man United laakiin David Moyes ayaa ilaa hadda ah tababaraha kaliya ee United soo qabtay kadib Sir Alex ee kulan wareega 16ka ah guulaystay.

Min Louis Van Gaal, Jose Mourinho ilaa Ole Gunnar Solskaer waxay awoodi kari waayeen in ay soo guulaystaan kulamadii wareega bug baxa ee Champions League waxaana rekoodh fiican ka haysta David Moyes waana sababta ay United halis wayn ugu jirto in ay markale ka soo hadho Champions league.

Haddaba waxaanu halkan idiinku soo gudbinaynaa lix arimood oo waa wayn oo kubbada cagta ka soo dhacay muddadii ka danbaysay in ay Man United guulaysato kulan Champions league ah oo wareega 16ka ah, halkan ayaanad kaga bogan kartaaa.

Aan marka hore idiin xusuusiyo in David Moyes uu ahaa tababarihii ugu danbeeyay ee Man United u guulaystay kulan Champions league ah oo ka baxsan heerka groupyada iyada oo United guul 3-0 ahayd ka gaadhay Olympiakos, waana guushii sanadkii 2014 kii ee aan idiin soo gudbin doono dhacdooyinkii ka danbeeyay.

1- Leicester City ayaa horyaalka heerka labaad ka soo dalacday waxayna soo gashay Premier league, koobka Premier league ayay ku guulaysteen waxayna soo galeen Champions League, kadib waxay guulaysteen kulan wareega 16ka Champions League ah iyaga oo dhacdooyinkan oo dhan sameeyay kadib guushii ugu danbaysay ee United ay gaadhay!.

2- Ole Gunnar Solskjaer ayaa markii ugu danbaysay Man United guul Champions league wareegiisa 16ka ah waxa uu ahaa tababaraha Cardiff City, shaqada ayaa laga caydhiyay, wuxuuna iskaga baxay England, wuu soo laabtay oo uu noqday tababaraha ku meel gaadhka ah ee United laakiin wali United ma guulaysan kulan Champions League ah oo ka baxsan heerka Groupyada.

3- Muddadan aan ka soo hadlanay ee ayna United kulan Champions league ah soo guulaysan, Real Madrid ayaa afar jeer ku soo guulaysatay koobka UEFA Champions League.

4- Tan iyo markii Man United ugu danbaysay in ay kulan wareega 16ka Champions league ah guulaysato, waxaa kubbada cagta ka fadhiistay Steven Gerard, Recardo Kaka, Frank Lampard, Andrea Pirlo, Xavi Alonso, Ronaldinho, Fransisco Totti kuwaas oo dhamaantood waqtigii United guushan ugu danbaysay kubbada cagta ciyaarayay.

5- Jose Mourinho oo markii labaad Chelsea ku soo laabtay ayaa kula guulaystay koobka Premier league, kadib shaqada Blues  ayaa laga caydhiyay, waxaa kadib loo doortay tababarihii Man United waxa uu awoodi waayay in uu rekoodhkii xumaa meesha ka saaro, shaqadii Man United ayaa isna markale laga caydhiyay.

6- Diego Costa ayaa ka baxay Atletico Madrid wuxuuna ku biiray Chelsea oo uu koobka Premier league la soo qaaday, waxa uu ku laabtay Atletico Madrid oo uu UEFA Super Cup kula guulaystay walina United ma guulaysan kulan wareega 16ka kooxood ee Champions League ah.

Dhacdooyinku intan kuma koobna balse waxaa jira boqolaal dhacdo oo kale balse kuwan ayaa loo doortay kuwii ugu muhiimsanaa ee la diwaan galiyay intii ay United raadinaysay guul Champions leauge oo ka baxsan heerka groupyada.

Si kastaba ha ahaatee, Man United ayaa si xun ugu fashilantay fursadii ugu fiicnayd ee ay PSG guul kaga gaadhi lahayd maadaama oo ay kooxda reer France dhaawacyo kaga maqnaayeen Neymar Jr iyo Edinson Cavani isla markaana ay marti ahaayeen.