XOG: Athletic Bilbao Oo Soo Af-Jartay Rekoodh Mudo Sanad Ah Usoo Jiitamayay Kooxda Barcelona & Xogta Rekoodhka Ay Barca Lumisay

Kooxda Athletic Bilbao ayaa laf dhuun gashay ku noqotay rekoodh ay mudo sanad ah soo waday kooxda Barcelona oo ku saabsanaa kulamada ay kasoo ciyaareen horyaalka Spain ee La Liga.

Barcelona ayaa ku fashilantay inay wax gool ah dhaliso kulankii San Mames ee xalay waxaana ay kusoo bar-bardhaceen Bilbao oo ay 0-0 ku kala baxeen.

Bar-bardhacaas goolal la’aanta ah ayaa soo af-jaraya mudo 37 kulan ah oo xidhiidh ah oo ay Barca goolal kasoo dhalinaysay horyaalka.

Kulankii ugu dambeeyay ee La Liga ee ay Blaugrana kusoo fashilantay inay wax gool ah soo dhalin waydo ayaa ahaa February 11, 2018 markaas oo ay la ciyaarayeen kooxda Getafe ee usbuucii 23-aad ee horyaalka halka kulankii ka horreeyay ee ay gool dhalin waayeen kulamada La Liga uu ahaa November 19, 2016.

SIDOO KALE AKHRISO:  Paris Saint-Germain Oo Jawaab Ka Bixisay Labadii Dalab Ay Kooxaha Real Madrid & Barcelona Ka Soo Gudbiyeen Neymar

Gudaha xilli ciyaareedkan, Barcelona ayaa sidoo kale ku guuldaraysatay inay shabaqeeda gaadho kooxda Sevilla kulan ka tirsanaa tartanka Copa Del Rey markaas oo 2-0 lagaga soo  guuleystay waana marka kaliya ee ay sidaasi ku dhacday kahor toddobaadkan ilaa mudada aan kor kusoo sheegnay.

Bar-bardhacaas ayaa sababay in Barca ay kaliya lix dhibcood ku qabato hoggaanka horyaalka iyaga oo aan ka faa’idaysan fashilkii Atletico Madrid waxaana haatan booska labaad soo gashay Real Madrid.