XOG: Akhriso Min Shanta Kulan Ee Ugu Soo Horeeyay Saddexda Kooxood Ee Aan Wali Guuldaraysan Ee Liverpool, Man City Iyo Chelsea.

Kadib marka sabtida laga soo laabto kulamada caalamiga ah ee xulalka qaramada aduunka waxaa sii xoogaysan doona xifiltanka koobka Premier League iyada oo kooxaha Manchester City, Liverpool iyo Chelsea ay dagaal u sii gali doonaan sida ay ku sii ilaashan karaan rekoodhkooda guuldaro la’aanta Premier League ee xili ciyaareedkan.

Kadib markii 12 kulan la soo ciyaaray kooxaha Manchester City, Liverpool iyo Chelsea ayaan hal kulan soo guuldaraysan waxaana hadda lays waydiinayaa kooxda noqon doonta tan ugu danbaysa ee guuldaro la’aan ku sii jiri karta.

Si aan u ogaano sida xaaladu noqon karto waxaa marka hore muhiim ah in aan soo qaadano min shanta kulan ee ay saddexdan kooxood ka ciyaari doonaan horyaalka Premier league taas oo cadayn karta sida uu hogaanka Premier league noqon karo.

Aan marka hore idin xusuusino kala saraynta saddexda kooxod ee premier league aan soo guuldaraysan iyo dhibcaha ay kala haystaan. Man City ayaa kaalinta kowaad ugu jirta 32 dhibcood, waxaana ku soo xigta Liverpool oo 30 dhibcood kaalinta labaad ugu jirta halka Chelsea ay kaalinta saddexaad ugu fadhido 28 dhibcood.

Haddaba shabakada Gool24 ayaa halkan idiinku soo gudbinaysa min shanta kulan ee ay ciyaari doonaan kooxaha aan soo guuldaraysan ee Manchester City, Liverpool iyo Chelsea iyo waliba taariikhda kulamadan la ciyaari doono halkan ayaanad kaga bogan kartaa.

Shanta Kulan Ee Manchester City Ugu Soo Horeeya Premier league:

Shanta kulan ee Manchester City ugu soo horeeya saddex ka mid ahi waa kulamo loo saadaalin karo in ay si sahlan ku guulaysan karto marka la eego rekoodhka guulaha ee kooxdeedu ku soo jirtay laakiin laba kulan ayaa ah kuwo ay xisaab adagi sugayso Guardiola.

Ugu horayn sabitda waxay Man City booqan doontaa kooxda West Ham waana kulan la filayo in Man City ay guulaysan doonto kadib waxay December 1 soo dhawayn doontaa kooxda Bournemouth waana kulan kale oo ku jira liiska guulaha loogu saadaalinayo Sky Blues.

December 4, Manchester City waxay booqan doontaa Watford waana kulan adag balse ay suurtogal wayn tahay in wali Man City ay guulaysan karto laakiin sabtida December 8, Manchester City waxay mari doontaa imtixaan adag iyada oo marti u noqon doonta Chelsea waana kulan ay Liverpool natiijadiisa si wayn u sugi doonto.

Kulanka shanaad ee ay Manchester City ciyaari doonto ayaan isna ahayn mid sahlan waxayna sabtida December 15 soo dhawayn doontaa Everton waana kulan adag oo ay City shaqo wayn u baahan doonto.

Halkan kaga bogo Shanta Kulan Ee Ay Man City Ku Bilaaban Doonto Kadib Kulamada Caalamiga Ah Ee Horyaalka premier Leageu.

Sabti, November 24 – West Ham (marti)

Sabti, December 1 – Bournemouth (minan)

Talaada, December 4 – Watford (Marti)

Sabti, December 8 – Chelsea (Marti)

Sabti, December 15 – Everton (Minan)

Bogga 2-aad iyo 3- aad Ka Akhriso Xogta Kulamada Liverpool iyo Chelsea.

1 Aragti ayaa laga dhiibtay warbixintaan

Comments are closed.