XOG: AFAR Waxyaabood Oo Kooxda Liverpool Sabab Ugu Noqon Kara In Ay Tottenham Guul Ka Gaadho Kulanka Shanaad Ee Premier League.

Waxaa lasoo gaba gabeeyay gudashada waajibaadka kulamada caalamiga ah, waxayna markale jamaahiirta caalamka dib u daawan doonaan xiisaha horyaalka Premier League, gaar ahaan kulanka ka dhici doono garoonka Wembley, si ay u daawadaan kulanka Sabtida dhex mari doono kooxaha Tottenham Hotspur iyo Liverpool, ee ka tirsan kulamada isbuuca 5-aad

Muhiimadda kulankan kuma koobna magaca labada kooxood iyo ciyaartoyda waaweyn ee ku kala sugan oo kaliya, laakiin waa wax intaas kasii badan, sida  in Tottenham Hotspur ay ka fogaan doonto u dagaalamida horyaalka hadii ay guuldaradeeda ugu horeysa xili ciyaareedkan ay kala kulanto kooxda Liverpool, sidoo kale Liverpool ayay sidaas oo kale  ka dhignaan doontaa hadii ay soo gaarto guuldaro.

Hadaba Waxaa Jira 5 Waxyaabood Ee Ku Qasbeysa Liverpool Inay Guul Gaarto Kulanka Ay La Ciyaari Doonaan Tottenham. Waxayna Kala Yihiin Sidan:

Ugu Horeyn Qaab Ciyaareedka Kooxda Tottenham Hotspur:

Waa sax in Tottenham Hotspur ay 9 dhibcood ka heshay kulamadii ay kasoo ciyaartay horyaalka Premier League, halka ay ka ahayd inay hesho 12 dhibcood, laakiin labadii guul ugu horeesay ay ka kala gaareen kooxaha Newcastle iyo Fulham, hadana Spurs ayaa la fahansan yahay in 4-tii kulan ay kasoo ciyaartay horyaalka Premier League aysan soo bandhigi qaab ciyaareed fiican.

In Tottenham Ay Ka Fogaan Doonto Loolanka”

Hadii ay Liverpool guul gaarto waxaa sii fogaanaya farqiga dhibacaha u dhexeeya kooxaha Reds iyo Tottenham Hotspur wuxuuna noqodn doonaa 6 dhibcood, inkastoo uu xili ciyaareedka uu bilaw yahay, hadana farqiga dhibcahan ayaa suuragal ka dhigi kara in ugu yaraan aysan kasoo kaban doonin ilaa iyo inta ka harsan kulamada lugta koowaad, iyadoo qof walba uu ogyahay in Mauricio Pochettino uu ka mid yahay kuwa ugu awooda badan horyaalka.

Dib U Soo Celinta Dhacdooyin Hore Ee Kooxda Manchester City

Liverpool ayaa badisay afartii kulan ee ugu horeysay ee horyaalka, hadii ay badiyaan Sabtida,  waxay fariin u diri doontaa dhamaan kooxaha ku tartamaya horyaalka Premier League, sida caadiga ku bilaabashada sida adage e horyaalka waxay ka dhigeysaa kooxda, inay garaaci karto kooxaha kasoo hore jeeda, kahor inta uusan kulanka bilaaban. sida aanu kusoo aragnay Manchester City xilli ciyaareedkii hore.

Aargudasho Ku Aadan Guuldaradii Xilli Ciyaareedkii Hore:

Tottenham ayaa ku garaacday Liverpool horyaalka Premier League xilli ciyaareedkii lasoo dhaafay, kadib markii ay ku xasuuqeen 4-0, taasoo keentay in Reds ay ka fogaato Manchester City waqtigaas. wiilsha  Jürgen Klopp ayaana markooda doonaya inay aar gutaan.