Jiilka Dahabiga Ah! Halkan Kaga Bogo Shaxaha Ay 16ka Kooxood Ee da’yarka Ugu Fiican Haystaa Ku Soo Shir Tagi Doonaan.

Qiimayn lagu sameeyey kooxaha waaweyn ee shanta horyaal ee ugu wanaagsan qaaradda Yurub ayaa waxa lagu eegay sida ay kooxahaasi fursadaha u siiyaan ciyaartoyda da’da yar iyo laacibiinta cajiibka ah ee usoo kacaya ee diyaarka u ah inay hoggaamiyaan safafkooda.

Kooxaha waaweyn ee Yurub oo lagu yaqaano in ciyaartoygoodu iskugu jiraan kuwo da’doodu ku dhow dahay 30 jir oo qarka u saaran, kuwo xoogaa dhaafay iyo kuwo da’yar oo loo carbiyo inay boosaska kuwa sii gaboobaya qabtaan marka ay ka fadhiistaan amaba aakhirka xirfaddooda meelo fudud la tagaan, ayaa waxa lasoo saaray 16-ka naadi ee haysta laacibiinta ugu fiican ee 25 jirka ka hooseeya, kuwaas oo sannadaha soo socda loo tixgelinayo inay noqonayaan xiddigaha ku guuleysan doona abaal-marinnada lagu bixiyo fagaareyaasha waaweyn.

30 naadi oo reer Yurub ah oo ku kooban shanta horyaal ee waaweyn ayaa waxa laga soo saaray 16ka kooxood, waxaana koox walba loo sameeyey saf ka kooban koox dhamaystiran, waxaana ku jira ciyaartoyda amaahda ku maqan ee la filayo inay usoo laabtaan.

Manchester City ayaa kaalinta koowaad ka gashay kooxaha da’yarta ugu wanaagsan haysta, waxaanay mustaqbalka dhow diyaar la tahay inay dunida kaga yaabsato laacibiin haddaba qaarkood ay magac weyn leeyihiin oo ay dunidu baratay iyagoon gaadhin da’da 25 jirka.

Leroy Sane oo ay Bayern Munich ka doonayso, Phil Foden, Gabriel Jesus iyo Zak Steffen ayaa waxay ka mid yihiin ciyaartoyda hoggaaminaya kooxda Man City ee da’yarta ah, kuwaas oo sidoo kale ay ku xusan yihiin Aymeric Laporte, Benjamin Mendy, Rodri, Bernardo Silva iyo Raheem Sterling.

Bayern Munich oo haysata jiil dahabi ah oo da’yar u badan oo boosaska kala wareegaya ruug-caddaayada waqtiga badan Bavaria soo siiyey ayaa kaalinta labaad soo gashay, waxaana xiddigaheeda la xusay ka mid ah Joshua Kimmich, Mickael Cuisance, Tolisso, Gnabry, Coman iyo Joshua Zirkzee.

Kooxda reer Germany ee RB Leipzing oo xili ciyaareedkan wacdaro ka dhigaysa Champions League iyo Bundesliga ayaa saddexaad soo gashay, waxaana ku xigta Real Madrid oo safkeeda ay qurxiyeen laacibiin badan oo haddaba caan ah iyaga oo ay da’doodu yar tahay.

Andriy Lunin, Achraf Hakimi, Edere Militao, Mendy, Deballos, Odegaard, Asensio, Vinicius, Rodriyg iyo Luka Jovic ayaa dhamaantood ay da’doodu ka hoosaysaa 25 jir oo tababare Zinedine Zidane uu ku lifaaqi doonaa laacibiin kale oo uu suuqa kasoo qaadan doono si ay u abuuraan cudud u horseedi karta horyaalka LaLiga iyo Champions League.

Manchester United ayaa soo xidhay shanta boos ee ugu sarreeya. Dean Henderson oo ah 23 jir bandhig mucjiso ah ku muujiyey Sheffield United oo uu amaah ugu maqan yahay, Aaron Wan-Bissaka, Tuanzebe, Lindelof, Williams, Daniel James,  McTominay, Bruno Fernandes, Greenwood, Rashford iyo Martial ayaa dhamaantood ah laacibiin buuxinaya shuruudda xulashada ee 25 jirka iyo wixii ka hooseeya.

Halkan ka akhriso safafka 16-ka kooxood iyo naadi walba ciyaartoyda uu haysto:

16. Tottenham Hotspur

Brandon Austin; Kyle Walker-Peters, Juan Foyth, Davinson Sanchez, Ryan Sessegnon; Harry Winks, Tanguy Ndombele, Steven Bergwijn, Dele Alli, Giovani Lo Celso; Troy Parrott

15. Bayer Leverkusen

Marcel Lotka; Tin Jedvaj, Jonathan Tah, Edmond Tapsoba, Daley Sinkgraven; Adrian Stanilewicz, Exequiel Palacios; Nadiem Amiri, Leon Bailey, Moussa Diaby; Kai Havertz

14. Inter Milan

Ionut Radu; Valentino Lazaro, Milan Skriniar, Andrew Gravillon, Alessandro Bastoni, Federico Dimarco; Stefano Sensi, Nicolo Barella, Lucien Agoume; Sebastiano Esposito, Lautaro Martinez

13. Atletico Madrid

Axel Werner; Javier Ajenjo, Jose Gimenez, Mario Hermoso, Renan Lodi; Angel Correa, Saul Niguez, Marcos Llorente, Thomas Lemar; Joao Felix, Ivan Saponjic

12. Fiorentina

Bartlomiej Dragowski; Pol Lirola, Nikola Milenkovic, David Hancko, Terzic; Marco Benassi, Sofyan Amrabat, Gaetano Castrovilli; Ricardo Sottill, Federico Chiesa, Dusan Vlahovic

11. Milan

Gianluigi Donnarumma; Davide Calabria, Alessio Romagnoli, Leo Duarte, Theo Hernandez; Ismael Bennacer, Franck Kessie, Lucas Paqueta; Alexis Saelemaekers, Samu Castillejo, Rafael Leao

Riix 2 si aad wada akhrisato dhamaan warbixinta

Sida Ugu Sahlan Ku Hel Wararka Ciyaaraha,Halkan Ka Dajiso App-ka Gool24.net RIIX HALKAAN OO HEL APPKA.

LIKE OUR OFFICIAL FACEBOOK PAGE Gool24 Facebook