XOG: 12-ka Xiddig Ee Ilaa Haatan Qaladaadka Ugu Badan Lagu Galay Horyaalka Premier League Oo Lasoo Saaray & Bur-Buriyaha Arsenal Ee Lucas Torreira Oo Kaalin Layaab Leh Kaso Galay.

Waxa lasoo saaray liis ka kooban 12 xiddig oo ah kuwa ilaa haatan dhibaatada ugu badan ku qaba qaladaad lagu galo horyaalka Premier League oo 12 kulan laga ciyaaray xilli ciyaareedka 2018-2019.

Saxeexa cusub ee Arsenal Lucas Torreira ayaa xog cajiib ah looga diiwaan galiyay dhinaca xiddigaha qaladaadka lagu galo waxaana uu soo galay booska 5-aad, Arrinta layaabka ka dhigaysa inuu booska shanaad soo galo ayaa ah maadaama oo uu kaliya kusoo bilawday 7 kulan horyaalka xilli ciyaareedkan.

Torreira ayaa muujiyay inuu yahay khad dhexe oo dagaal yahan ah isla markaana dabool dheeraad ah siin kara daafaca Gunners isaga oo dhinaca kale lamaane khad dhexe oo aad u adag la samaystay Granit Xhaka.

Iyadoo ay ugu wacan tahay hab ciyaareedkiisa marka uu garoonka ku jiro, Xiddiga ree Uruguay ayaa 28 jeer qaladaada lagu galay waxaana uu booska 5-aad ka fadhiyaa liiskan 12 xiddig ka kooban.

Xiddigaha Watford iyo Leicester City ee Hughes iyo James Maddison ayaa hal qalad oo lagu galay ka horreeya Torreira maadaama oo iyaga 29 jeer la dhibaateeyay.

Booska labaad ayuu ku jiraa xiddiga Chelsea ee Eden Hazard kaas oo isagu si joogto ah uga soo muuqda xiddigaha qaladka badan lagu gali waxaana la dhibay 31 jeer halka xiddiga ugu sarreeya oo Wilfred Zaha ah la jalaafeeyay 32 jeer.

Halkan kaga boggo liiska oo dhammaystiran: 

1. Wilfried Zaha – 32

2. Eden Hazard – 31

3= Will Hughes – 29

3= James Maddison – 29

5. Lucas Torreira – 28

6. Richarlison – 26

7= Glenn Murray – 25

7= Paul Pogba – 25

9. Josh Murphy – 23

10= Granit Xhaka – 21

10= Pierre-Emile Hojbjerg – 21

10= Felipe Anderson – 21