Xilli Ciyaareedkan Romelu Lukaku Waxa Uu Horyaalka Talyaaniga Ka Dhalin Doonaa Goolal Ka Badan Kuwa Cristiano Ronaldo

Ciyaartoygii hore ee kooxda Inter Milan ee Andy Van der Meyde ayaa bixiyay saadaal cajiib ah kaddib markii uu isbar-bardhig ku sameeyay weeraryahan Romelu Lukaku oo dhawaan u wareegay Inter iyo hoggaanka kooxda Juventus ee Cristiano Ronaldo.

Lukaku iyo Ronaldo ayaa ah laba ciyaartoy oo la filayo inay xilli ciyaareedkan goolal door ah u dhalin doonaan kooxahooda isla markaana ay si toos ah ugu tartami doonaan kabta dahabka ah iyo gool dhalinta horyaalkaas.

Romelu uu suuqii xagaagan Inter kaga soo biiray dhinaca Man United ayaa haatanba laba gool usoo dhaliyay kooxdiisa kulamada horyaalka ee ay la ciyaareen Lecce iyo Cagliari.

Haddaba, Van der Meyde ayaa sheegay inuu ugu horreynba Lukaku yahay mid jecel horyaalka Talyaani isagoo dhinaca kale ku dooday inuu qabo aragtida ah in 26 jirkani uu xilli ciyaareedkan horyaalka kaga goolal badnaan doono Ronaldo.

“Midkaayaba midka kale ayuu la kulmaa waananu wada hadalnaa inta ugu badan, Lukaku waa taageere weyn oo kubadda cagta Talyaaniga ah waxaanan filayaa in isaga loogu tala-galay horyaalka”

“Isagu waa mid xoogan waxaana uu dhalin karaa goolal badan, Awoodiisu waxa ay dhibaato galin doontaa daafac kasta oo horyaalka Talyaaniga ah”.

“Waxa uu kusoo muujiyay inuu goolal dhalin karo meelkasta oo uu kasoo ciyaaray, Aragtidayda waxa uu dhalin doonaa goolal ka badan inta uu Cristiano Ronaldo dhalin doono xilli ciyaareedkan”.